Akhriso Sababaha Ku Kalifo Ninka Soomaaliyeed Inuu Mar Kale Guursado Haweeney Cusub.

Akhriso Sababaha Ku Kalifo Ninka Soomaaliyeed Inuu Mar Kale Guursado Haweeney Cusub.


ADVERTISEMENTS
Badanaaba ragga S0omaalidu waxay ku caan yihiin guurka badan ee la guursado hal mar wax ka badan. Cilmi baadhis la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ragga Soomaalida ah 87% ay leeyihin wax ka badan hal xaas marka ay dhaafan 40 jirka.

Iyadoo ay taas barbar socoto dhamaan dhibaatooyinkii dhaqaalaha iyo qoyska, ayaa hadana uu u muuqdaa ninka Soomaalyeed mid kara awoodna u yeesha inuu daryeelo, dhaqaaleeyana wax ka badan hal xaas iyo caruurtooda, waxaaba se udheer duruufaha culculus ee la gudboon ragga Soomaalida iyo balwadaha kala duwan sida Qaadka iwm.


Hadaba waa maxay sababaha ku kalifa ninka Somaaliga ah iyadoo ay ku gedaamanyihiin dhamaan arimahaas kor ku xusan inuu u babac dhigo hawsha guurka oo marba marka ka sii dambaysa kor usii kacaysa? Maxaa badanaaba ku kalifa ragga in ay ka calool go’aan jacaylkii hore, oo ay mid cusub dib soo ciyaarsiiyaan?
Waxaanu isku daynay in aan wax ka waydiino dad waynaha arintan, kadib markaanu waraysi layeelanay dhalin yaro iyo waayeel, qurbe joog iyo qolqol joog intaba, waxa noosoo baxay sababo dhawr ah, waxaana ka mida:
1) Badanaaba dhalmada ka dib waxa fuula dumarka hilib, laakiin dumarka soomaaliyeed ayan ahayn qaar ka soo kabta, iskana rida , kaas oo wax u dhima fud fudaydka xaaska iyo shax shax-da qoysaka.
2) Dumarka Soomaaliyeed oo badanaaba ku mashquula caruurta, firaaqadii badnaydna siin waaya xaajiga.
3) Wax yaabaha kobciya jacaylka oo aad ugu yar dadka Soomaalida ah, sida hadyadaha, dalxiiska, kulanada iyo dhacdooyinka farxadeed ee kadiska ah, abaalmarinta iyo balanqaadyada dhiirigalimeed….iwm.
4) Baahiyaha aqoon darro ee ka jira mujtamaca. Badanaaba way yartahay in la helo qoys Aabaha iyo Hooyaduba si is leeg wax u barteen aqoona ay leeyihiin, tani waxay sababtaa in marka khilaaf yimaado aan hab cilmiyaysan wax loo eegin, waayo waxa isku haya meesha laba qof oo kala aragti ah.
5) Ragga oo waxa cusub jecel, dumarkii oo batay, Iyo xaaskii oo shax shax yar kuna mashquushay caruurtii.

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Akhriso Sababaha Ku Kalifo Ninka Soomaaliyeed Inuu Mar Kale Guursado Haweeney Cusub.
Posted by:galmada Net
Published :2016-10-24T03:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Akhriso Sababaha Ku Kalifo Ninka Soomaaliyeed Inuu Mar Kale Guursado Haweeney Cusub.



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:00 AM and have 0 comments