Waan is Jeceylnahay Weliba Xad Dhaaf Hadane Maxaan Isku Fahmi La’nahay Oo Aan Isku Dagaalnaa??!!!

Waan is Jeceylnahay Weliba Xad Dhaaf Hadane Maxaan Isku Fahmi La’nahay Oo Aan Isku Dagaalnaa??!!!


ADVERTISEMENTS
  Soomaalida inteeda badan waxeey la jaanqaadeen casriyoiyo dhaqamo cusub kuwaasoo saameyn xoogan ku reebay qoysaskii soomaaliyeed taasoo aan dhihi karno xiligaani sida leyskaga joojiyaa waa mid adag, maadaama dadyoowgii soomaaliyeed dhaqankoodii uu ku dhex milmay dhaqamada aan qurbaha ugu imaanay haba u horeeyaan dhaqamada reer galbeedkeee.

Waxaan dhanka hoose ku xusayaa haduu eebe ii ogolaado dhowr qodob oo saameyn xoogan ku yeeshay lamaanayaasha soomaaliyeed.

Waxaa jiro mucaashiqiin soomaaliyeed oo xad dhaaf isku jeceyl hadana dagaalkooda joogto yahay, midba midka kale ayuu eedeynayaa mid walbaa waa isla saxanyahay waayahayee tollooow yaa qaldan, arintu intee ka qurunsantahay.

Waxaa jiro waxyaabo aad u faro badan oo lamaanayaasha ka qarsan balse saameynta ugu xoogan jaceylkoodu ku haayo, balse waxaan kasoo qaadanayaa dhowr qodob oo keliya.

Qodobka koowaad dhibaatada ugu weyn ee lawada lamaane isku af garan waayaan waxaa ka mid ah in labadiina midkood ama labadiinaba aadan ku shaqeynina maskaxdiina waxeey muhato, ee aad iskula imaataan war aad kasoo maqasheen sadaxeeye amasheydaan, hadii labadiina maskaxdiina adeegsataan waxaa hubanti ah inuu yaraanayo khilaafka maxaa yeelay waxaa tihiin labo qof oo isjeceyl iskana dhowro dhibaatada maskaxdaadana marnaba kuuma ogolaaneyso inaad waxyeeleyso qofka aad dunida kula safreeysid.

Qodobka labaad Daawashada aflaanta oo raad ba’an ku yeelatay qoysaska soomaaliyeed, gabadhyahay ma ogtahay intaad shaashada hor fadhisay howl badan inee kaa tagtay, waayo gabadha haduusan tv ku mashquulsaneyn maskaxdeeda waxeey siineysaa ineey guriga hagaajisato weliba si qurux badan amaba howl kale aay qabsato, maanta dhan sidaad u daawaneysay tv ayaa markuu xaajigaaga imaado sariirta ku naso is dhahaba waxaad lasoo boodeysaa war heedhe kac sariirta aan hagaajiyee, hadana wuxuu inuu ku nasto u tagayaaa fadhiga weli waa daba socotaa war heedhe hadana kac aan hagaajiyee, ugu danbeyn markuu waayo meeluu ku nasto ilmaha buuqooda ayuu door bidayaa wuxuu isku dayayaa ilmihiisa inuu maskaxda ku dagsado uu la cayaaro, adigoo weli haadayo ayaa kadaba imaanayo oo leh war heedhe bax seexowaa kuu firaashee ilmaha aan u qabeeyo oo aan hagaajiyeee.

Qodobka Sadaxaad Labada mucaaqishiin oo aan dareenkoodu wadaagin ayadana waxeey koow ka tahay khilaafka labada lamaane, waxaa dhab ah inaad jeceshahay lamaanahaada hadana afkaada inaad dhagtiisa u dhaweysid malihid waan ku jeclahay, dareenkaada oo aad qarisid wuxuu kordhiyaa dagaalka joogtada ah ee idiin dhaxeeyo, qurbaha waxaan ka dhaxalnay hadad qofkaan tusto inaad zaaid u jeceshahay wuu kugu tumanayaaaa, waa dhaqan nagu soo kordhay 2006dii, hadaba hadaadan lamaanahada dareenkaaga iyo sidaad ugu jajabantahay u bandhigin siduu kugu dareemayaaa, weligaa dareenkaaga xiliguu ku haboonyahay ha qarsan.

Intaasi iyo in kabadanba waxeey dhaliyaan is faham waaga ka dhaxeeyo labada lamaane ee is jeceyl, hadaba si aad xal u heshid ka fogoow arimahaasi iyo wixii la halmaala.

Akhristoow adigana fikirkaaga dhanka hoose ku reeb si lagaaga faaideysto haduu EEBE idmo.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Waan is Jeceylnahay Weliba Xad Dhaaf Hadane Maxaan Isku Fahmi La’nahay Oo Aan Isku Dagaalnaa??!!!
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-13T21:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Waan is Jeceylnahay Weliba Xad Dhaaf Hadane Maxaan Isku Fahmi La’nahay Oo Aan Isku Dagaalnaa??!!!



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 9:00 PM and have 0 comments