Shekau-ga Bookoo Xaraam "oo nool caafimaadna qaba"

Shekau-ga Bookoo Xaraam "oo nool caafimaadna qaba"


ADVERTISEMENTS
Ninka lagu muransan yahay hogaamiye nimadiisa Boko Haram ayaa baahiyay fariin muuqaal ah oo uu ku diidan yahay sheegashadii millatariga ee ahayd in ay dileen ama aad ugu dhaawaceen duqaymo ay u gaysteen bishii hore.

Abubakar Shekau ayaa u muuqday nin caafimaad qaba wuxuuna fariinta ku soo duubay, dhawr luuqadood oo kala ah Carabi, Hausa, Kanuri.

Ma cadda wakhtiga la duubay muuqaalkan.

Ururka Bookoo Xaraam ayaa horay u sheegay in uu ku biiray kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

Bishan horaanteedii ayayna ahayd markii Dawladda Islaamku ay sheegtay in Shekau ay xilkii ka qaaday ayna ku badhashay Abu Musab Albarnawi, oo aan aad loo aqoonin, laakiin Shekau ayaa sheegay in uu isagu wali xilka hayo.

Muuqaalkan oo YouTube-ka la soo dhigay ayaa 40 daqiiqo ah, Shekau oo hadlayana wuxuu sheegay in uu caafimaad qabo ammaana haysto.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Shekau-ga Bookoo Xaraam "oo nool caafimaadna qaba"
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-25T20:56:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Shekau-ga Bookoo Xaraam "oo nool caafimaadna qaba"



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 8:56 PM and have 0 comments