Sheeko ku saabsan Jaalle Siyaad 1982, 5tii subaxnimo waxaa si kediso u yimid kormeer madaxweyne....

Sheeko ku saabsan Jaalle Siyaad 1982, 5tii subaxnimo waxaa si kediso u yimid kormeer madaxweyne....


ADVERTISEMENTS
Sheeko ku saabsan Jaalle Siyaad
1982, 5tii subaxnimo waxaa si kediso u yimid kormeer madaxweyne Maxamed Siyad Barre AUN magaalada Kismaayo, markaasaa madaxdii degmada iyo kuwii gobolku kala carar bilaabeen oo odaygii lagula shiray Hotel Waamo oo markaa loo yiqiin Dalxiiska Waamo.
Iswareysi ka bacdi iyo warbixintii madaxdii gobolku ayaa mar qura taliyahii ciidanka booliska ee degmadu ka sharqamiyey in wiil yar oo 14 jir ahi uu tooreey ku dhaawacay nin gaal ah oo engineer ka ahaa shirkadii(Texaco) markaa shidaal ka baareysay deegaanka Kudha. Markaasaa madaxdii gobolku ka daba qaateen oo yiraahdeen “tii u darneyd ayaan kaa ilaawnay jaalle madaxweyne oo waa jirtaa arintaa waanuna xirnay yarkii, shirkadiina dhaawacii ayey u duulisay Nairobi si loogu soo daweeyo”. Wuxuu su’aalay “Yaa idin yiri caruur ayaa la xiraa, mase weydiiseen wiilka yar waxa isu geeyey isaga iyo ninka gaalka ah?”
“Maya Jaalle Madaxweyne ma aanu weydiin” ayey ku jawaabeen wuxuu amray in lasoo daayo wiilkii yaraa loona keeno si uu u wareysto madaxdii gobolkana waxa uu ku amray inay meeshooda joogaan tan iyo inta uu wareysanayo, waa loo keenay markuu weydiiyey madaxweynuhu sababta wiilka yar uu u dhaawacay ninka ayuu wiilkiiku jawaabay “adeer anigoo geelayagii la jooga ayuu ii yimid oo intuu warqad ii saaray cawradiisa gacanta ii haadiyey, ana waan xanaaqay oo toorey ayaan kaga dhuftay cawradiisii iyo calooshana waan ka dhaawacay oo been makuu sheegayo”
Wuxuu ku yiri adeer run inaan ii sheegeyso shaki iigama jiro, waad ku suubisay waayo inuu xerada uu deggan yahay dibada uga baxo isagoon bolisku la socon ma aheyn, oo isagaa is dilay adiguna dambi ma lahid hadda ka bacdi wixii sidaa kuula dhaqma dil.
Intaa ka dib wuxuu amray in taliyaha saadka ee ciidanka uu wiilka qaado rashina u qaado uuna geeyo degsiimadooda oo ku dhoweyd Kudha.
Waxaa isna shirkii yimid oo maqlay ninkii mareykanka ahaa oo madaxda ka ahaa shirkadda oo filayey in uu helayo raali gelin madaxweyne, maadaama mid ka mid ah shaqaalihiisii la dhaawacay, bacda salaan iyo wareysi ka bacdina hadal gaaban ayuu madaxweynuhu ku yiri “I Maqal wadankaan Soomaaliya ayaa la dhahaa dadkaana waxaa la yiraa Soomaali, la mid ma aha Afrikaankii aad arki jirteen waxaan kugula talinayaa inaydin dibeda uga bixin xaruntiina haddaanay ilaalo idinla socon, ninka wiilka yar uu dhaawacayna isagaa is dilay muxuu ka doonay baadiyaha iyo caruuraha geelooda ilaashaana?”
Waxan filayaa in sheekadan ay allaha u naxariistee Madaxweynihi hore ee Maxamed Siyaad barre idinka filantay Heerka Waxan loo Yaqaan Hada Beesha Caalamka Marka Somaliya Ka Taagnayd Iyo In Soamalidan Hada Amisom kufsanayso Maraykan Saa u Eeegi Karayn African Kale Daaye Hadeerna Waad Aragtaan Oohinta Gabdhaheeni Oo Cidlo Gaal kaga oohinayo. SHARE


W/Q Maxamed Cabdi.

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Sheeko ku saabsan Jaalle Siyaad 1982, 5tii subaxnimo waxaa si kediso u yimid kormeer madaxweyne....
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-05T01:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Sheeko ku saabsan Jaalle Siyaad 1982, 5tii subaxnimo waxaa si kediso u yimid kormeer madaxweyne....



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:30 AM and have 0 comments