Michael Keating “Waa in Madaxweynaha xilkiisa ku dhamaado illaa 6-da November”

Michael Keating “Waa in Madaxweynaha xilkiisa ku dhamaado illaa 6-da November”


ADVERTISEMENTS
Michael Keating “Waa in Madaxweynaha xilkiisa ku dhamaado illaa 6-da November”
Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay muddada xilka ugu eg yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo xilliga sharciga ee waqtigiisu dhamaanayo ay muddo shan maalmood ka harsan tahay.

Michael Keating ayaa sheegay in loo baahan yahay in 6-da bisha November wixii ka dambeeya aanu Madaxweyne Xasan Sheekh xilka sii heyn karin, isagoo tilmaamay in Baarlamaanka iyo dowladda hada jirta wixii xilligaas ka dambeeya aanay lahaan doonin awood ay ku qaataan go’aamada waa weyn.

Danjire Michael Keating ayaa ugu baaqay Madasha Hoggaanka Qaranka oo maanta lagu wado in shirkooda u dambeeyay ku yeeshaan magaalada Muqdisho inay ku soo saaraan taariikhda rasmiga ah ee ay ku egtahay xilliga Madaxweynaha.

“Hoggaanka Madasha Qaran waa in ay la yimaadaan Taariikh caddeynaysa xilliga uu ku egyahay waqtiga Madaxweynaha iyo Xukuumadda, waxaan soo jeedineynaa in aysan ka qaadan muddo ka badan Hal Todobaad in lagu kala caddeeyo iney dhaceyso doorashada madaxtinimo 30 October, waxaana rabnaa in xilligii la isku aqbalay ee kama dambeysta ahaa uu dhaqan galo, iyadoo laga gun gaaraya dowladda Federaalka iyo Baarlamaanka inaysan qaadanin go’aamo waaweyn xilligaa wixii ka dambeeya”ayuu yiri Danjire Michael Keating.

Madasha Wada-tashiga qaran ayaa horay u shaaciyay in 30-ka bisha October ay dhici doonto doorashada madaxweynaha, iyadoo muddo 50 maalmood ugu daray in ay xilka sii hayaan Madaxda dowladda, iyo Baarlamaanka inta Baarlamaan cusub laga soo dooranayo.

Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa uga digay Hoggaanka Madasha Wada-tashiga Qaran in aanay mar dambe wax wada tashi ah ka gelin habka qabashada doorashada dalka, kadib markii ay dhowaan soo baxday shakiyo ku aadan in Madaxda qaar ay isku afgarteen in oday dhaqameed dheeraad ah lagu daro 135-ta oday.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Michael Keating “Waa in Madaxweynaha xilkiisa ku dhamaado illaa 6-da November”
Posted by:Unknown
Published :2016-09-06T21:31:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Michael Keating “Waa in Madaxweynaha xilkiisa ku dhamaado illaa 6-da November”



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Unknown, Published at 9:31 PM and have 0 comments

No comments:

Post a Comment