Man United, Arsenal, Chelsea Iyo Man City Oo Ku Dagaalamaya Xiddig Lagu Qiimeeyo 80 Milyan (Warbixin)

Man United, Arsenal, Chelsea Iyo Man City Oo Ku Dagaalamaya Xiddig Lagu Qiimeeyo 80 Milyan (Warbixin)


ADVERTISEMENTS
Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay dalabyo ka heshay afar kooxood oo ka ciyaara horyaalka England Premier League kuwaasoo doonaya inay lasoo saxiixdaan xiddigeeda Antoine Griezmann xagaaga soo aadan, sida laga soo xigtay majaladda Daily Express.

Majaladda Express Sport ayaa fahamsan inay labada kooxood ee Chelsea iyo Manchester United isha ku hayaan soo xerogelinta xiddigaan u dhashay dalka France dhammaadka xilli ciyaareedkaan.

Tababaraha Man United Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa inuu durba ka shaqeynayo heshiiskaan, halka macalinka Chelsea Antonio Conte uu doonayo inuu saxiixa Griezmann u jebiyo rikoorka adduunka si uu ugu xalliyo dhibaatada dhanka weerarka ka heysata kooxdiisa Chelsea.

Laakiin majaladda Daily Star Sunday ayaa caddeyneysa inay labadaan kooxood Man United iyo Chelsea tartan kala kulmayaan Manchester City iyo Arsenal oo isha ku haya inay 23 sanno jirkaan soo xerogeliyaan xagaaga 2017ka.

Warbixintaan ayaa sheegeysa inuu Griezmann iska diiday fursado uu xagaagii lasoo dhaafay ugu wareegi karay kooxaha Arsenal iyo Man City ka dib markii uu qaab ciyaareed wanaagsan kusoo bandhigay Euro 2016.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Man United, Arsenal, Chelsea Iyo Man City Oo Ku Dagaalamaya Xiddig Lagu Qiimeeyo 80 Milyan (Warbixin)
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-19T02:19:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Man United, Arsenal, Chelsea Iyo Man City Oo Ku Dagaalamaya Xiddig Lagu Qiimeeyo 80 Milyan (Warbixin)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:19 AM and have 0 comments