Jaziiradda Suqadra Waxaa leh Soomaaliya, Yemen waa Gumeyste Cusub

Jaziiradda Suqadra Waxaa leh Soomaaliya, Yemen waa Gumeyste Cusub


ADVERTISEMENTS
“Socotra is an island of Somalia in the Indian Ocean”
W/diyaariyay Qoraa Sare: Cali Cabdi Cali “Suxeyfa”
 Mogadishu-Somalia
Jaziirada Suqadra (Socotra) – waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah Jaziiradaha ugu weyn dalka Soomaaliya, waxa ayna ku taalaa meel u dhow Raas Fartaag ee Xeebta degmada caluula, waxa ayna dhinaca Bari ka xigtaa Gacanka Cadmeed... Waa Jaziirad ay leedahay Soomaaliya oo ka kooban afar Jaziiradood oo ku yaala badweynta India meel u dhow Xeebta gobolka bari ee maamulka goboleedka Puntland, bedkeedu waxa uu ku fadhiyaa in la eg 3796 km², waxaana lagu qiyaasaa inay seddex jeer ku laba laabmeyso bedka Boqortooyada Bahrain, waxa ayna ka fogtahay Xeebta Yemen in la eg 300 km, halka Xeebta Soomaaliya ay u jirto in ka yar 100 km.
Luqadda Jaziiradda looga hadlo ma ahan Af-carabi ee waa ereyo jajab ah oo ka mid ah luqadaha Af-Soomaaliga iyo Sawaaxiliga , waxa ayna ku taala Jaziirada goob muhiim ah oo ay ka shidaal qaadan karaan maraakiibta , waxaana lagu qiyaasaa tirada dadka ku nool 70842 ruux , intooda badan dadkaasi waa beeraley ,xoolo raacato iyo kaluumeysato, waxa ayna intooda badan ka soo jeedaan Soomaaliya si gaar ah qabaa’ilada kala ah Carab Maxamuud Saalax iyo Mashuunguli , waxa ay yiraahdaan Yemeniyiintu qabiilka Carab Maxamuud Saalax waxa uu ka tirsan yahay qabiilka “Mehera” ee Yemen, taasoo ah been xaqiiqda ka fog , iyo sheeko aan waxba ka jirin oo Yemen ay dhoo-dhoobtay si ay carab ugu nasab geliso dadka halkaasi ku nool .
Suqadra , waxa ay ku taalaa Khariirada Soomaaliya , dadkeeduna waxa ay ku hadlaan Luqada ehelkooda Soomaaliya , hayeeshee Xukuumadda Sanca waxa ay isku dayeysaa inay la dagaalanto luuqadda Af-soomaaliga ee halkaasi ka jirta , waxa ayna gubtay buugaag ku qornaa Afcarabi oo ka hadlayay in Jaziiradaasi ay milkiyad u leedahay Soomaaliya .
Axmed Xuseen waa mid ka mid ah indheer garadka Soomaaliya, waxa uu sheegay in iskuday kasta oo lagu badalayo ama lagu baabi’inayo joogitaanka Soomaalida ee Jaziiradaasi aaney waxba ka badali doonin damaca Soomaalida ee ah inay dib u soo ceshtaan Jaziiradooda iyagoo u maraya anshaxa diblomaasiyadda ama dagaal ka dhan ah Yemen.
Hey’adda UNESCO iyo hey’ado kale oo deegaanka khuseeya ayaa waxa ay sanadkii 2008 –dii ku sheegeen Jaziiradda Suqadra meelaha ugu muhiimsan ee tilmaamaya dhaqanka caalamiga ah, ayna tahay meelaha ugu yaabka badan dunida, marka loo eego ahmiyadda deegaaneed ee Jaziiradda ay u leedahay caalamka.
Soomaaliya oo xilligan ku sugan xaalad dhib badan ayaa waxa ay u gudbisay Qaramada Midoobey codsi in la xadido Marin biyoodka, waxaana Maxkamada Caalamiga ay xukmin doonaa in Jaziirada Suqotra ay ku taalo biya goboleedka Soomaaliya iyo weliba qariirada Soomaaliya, milkiyadda Jaziiradaasina ay leedahay Soomaaliya.
Jaziiradda ayaa waxa ay ku fadhidaa muhiimad, iyadoo ku taala meesha ay ku kala qeybsamaan labada badood ee istiraatiijiga ah ee kala ah Badda Cas iyo Badweynta India, tani waxa ay siisay qaar ka mid ah wadamada USA, Russia, Iran, Japan iyo China ahmiyad milatari, waxaa loo eegaa Jaziiradda inay tahay marin muhiim u ah Maraakiibta xambaarsan Shidaalka, waxaana marinkaasi laga gudbiyaa waxyaabaha ugu badan ee dowladda China ay soo saarto.
Xiriirka Soomaaliya iyo Yemen ayaa qalalaase galay bilowgii Todobaatameeyadii qarnigii hore , iyadoo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya xilligaasi loogu yeeri jiray “Libaaxa Afrika” kadib markii uu jiiray Ciidamada Eithiopia dagaalkii dhacay sanadkii 1977-dii , dowladaha Yemen ,Libya , Russia iyo Cuba ayaa waxa ay ku taageereen nidaamkii xilligaasi jiray ee Ethiopia saanad milatari , lacag iyo agab kale si Soomaaliya loogu qasbo inay dib uga gurato deegaanada ku dhow Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa .
Maxamed Isxaaq waa mid ka mid ah Mas’uuliyiinta Shirkadaha ka jira Soomaaliya , waxa uu ka dalbaday dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya inay dhambaal qoraal codsi ah u dirto golaha ammaanka ee Jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa si looga raro Soomaalida qaxootiga ku ah xerada “Alkharaz” loona dajiyo si rasmi ah Jaziiradda Suqadra , si loo joojiyo lacagaha dheeraadka ah ee Yemen ay bil waliba ku hesho magaca qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool , iyadoo shaqsi kasta oo qaxooti Soomaali ah ku qaadata lacag dhan $150 USD, waxaana uu intaasi ku daray “in xoojinta joogitaanka Soomaalida ee Jaziiradaasi ay tahay muhiim xilli ay qaxooti badan oo Soomaali ah ay ku qulqulayaan Yemen”.
Diblomaasi Soomaali ah oo diiday in magaciisa la carabaabo ayaa waxa uu sheegay in beesha caalamka ay waajib ku tahay inay qaataan mowqif adag oo ka dhan ah Yemen faragelinta ay ku heyso biyo-goboleedka Soomaaliya iyo awood ku heysashada Jaziiradda Suqadra muddo sanado badan, iyadoo Jaziiradaasi ay ka tirsan tahay gobolka Bari ee waqooyi bari ee Soomaaliya , waxaana uu yiri “ waxaan dooneynaa inaan soo ceshano dhulkeena si madax banaanideena ay uga mid noqoto, shaki kuma jiro in dadaalka Soomaalida iyo beesha caalamka ay wadaan uu suura gelin doono in Jaziiradda dib loo soo celiyo”.
Suqadra waxaa raacsan koox Jaziirado yaryar oo kala ah: Cabdil Kuuri, Samxa, Darsa iyo Karaaciil, waxa ayna leeyihiin buuro, dooxooyin biyo ah iyo xeeb, waxaana ku yaala halkaasi buur dheer oo lagu magacaabo “Xajahar” oo dhirirkeedu gaaro 1505 miter.
Magaalada Xudeybo- waa Caasimadda Jaziiradda, waxaana ku yaala garoon diyaadeed oo qalabeysan oo caalami ah oo dhowaan la dhisay, iyadoo sidoo kale la dhisay xafiisyo dowladeed, dekad, waddooyin iyo waxyaabo kale.
Dowladda Yemen waa gumeyste cusub oo Jaziiradda Suqadra awood ku heysta , waxa ayna ka dhega fureystay codsiyo badan oo is xig-xigay oo dowladihii soo maray dalka Soomaaliya ay u jeediyeen Yemen si ay u soo wareejiso Jaziiradda si nabad-gelyo ay ku jirto tan iyo markii Yementa Konfureed ay awood ku qabsadeen Jaziiradaasi , dowladii Milatariga ee Soomaaliya oo uu hogaaminayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre waxa ay marar badan isku-dayday inay go’doomiso deeganada kala duwan ee Jaziiradaasi si ay uga ceyriso ciidamada ilaalada xeebta ah ee Yemen ,hayeeshee Soomaaliya waxa ay xushmeyneysay daris wanaaga dalka Yemen oo ah dadka ku nool kuwa muslim ah .
Yuusuf Hilaal , waa Macalin ka dhiga Maadada Juquraafiga mid ka mid ah Dugsiyada sare ee Muqdisho waxa uu sheegay in Jaziirada Suqadra ay qeyb ka tahay dalka Soomaaliya wax waliba oo dhaca iyo dhammaan dagaalada lagu hoobtay ee dalkeena ka socda, dadka Yemen waa walaalaheena ,hayeeshee dhulkeena waa muhiimadda koowaad oo aan laga tanaasuli Karin.
Asalka dadka Soomaalida ayaa ah kuwa ka soo jeeda labadii wiil ee uu dhalay Nabi Nuux – Nabadgelyo dushiisa allah yeelee- labada wiil waxaa lagu kala magacaabaa Saam iyo Xaam, waxaana ubadka ay dhaleen labadaasi wiil ay ka yimaadeen cirifka konfur galbeed ee Jaziirad u ekaha carbeed, iyagoo soo maray marinka Baab Almandab, dadkani midabkooda waa midab u eg sareenta (qamadi), waxa ayna leeyihiin bushimo jil-jilacsan, jir dhuuban, timo adag, madax dheer, weji dhuuban iyo san dabacsan oo toosan.
Faraacintu waxa ay u yaqaaneen dalka Soomaaliya magaca “Punt” , waxa ay ka soo doonan jireen waxyaabaha udgoon oo ay ku carfin jireen waxyaabaha ay caabudi jireen , waxa ay kaloo Soomaaliya ka soo raadsan jireen Xabagta , Luubaanta,Faan-maroodiga, qori qudde iyo dahab,halka ganacsatada Yemen iyo Hindida ay imaan jireen Jaziiradda Suqadra si ay uga iibsadaan dadka Soomaalida ah ee degan Luubaanta iyo waxyaabaha la isku carfiyo oo ay ugu badalan jireen dhar iyo sokor , waxaana Taariikhda ay xustaa in safaradii ugu horeeyay ee Soomaaliya ay ku yimaadaan dad shisheeye ah ay aheyd safarkii ay hogaamineysay Boqoradii Masar ee lagu magacaabi jiray Xatashbasuut , intii u dhaxeysay 2731-2743 ka hor dhalashadii Nabi Ciise- Nabadgelyo dushiisa allah yeelee- waxaa kadib xigay safaro kale iyo ololayaal kale.
Jaziiradda Suqadra waxa ay aheyd mid mideysan kahor intii aaney ka dhicin Falkaanooyin sababay in Jaziirada ay kala qeybsanto , ayna yeelato godad iyo dooxooyin badan , waxaa laga helaa dhir aad u badan oo kala noocyo duwan oo ku dhow ilaa iyo 750 nooc , waxaa ku badan shimbirka cuna waxyaabaha reeb-reebka ah ee cunada iyo hilibka , kaasoo dadka halkaasi degan ay u yaqaaniin magaca “Hantooliyow” ama “Soociida”, waxaase jira 105 nooc oo shimbiro dhif ah oo meelaha kale ee caalamka aan lagu arag.
Waxaa godad badan oo buuraley hoostooda ah ay ku yaaliin Jaziirada Suqadra iyo Jaziiradaha kale ee yar yar oo si dabiici ah u sameystay leex-leexato biyo ah, waxa ayna biyaha ay milaan maado loo yaqaan “Calx” waxa ayna tiirar “Calx” ka sameystaan qeybta hoose iyo sare ee godadka , godadkaasi waa la dhex deganyahay , waxaana halkaasi ka socota nolosha dabiiciga ee caadiga ah , waxaana goobahaasi ugu muhiisan godka lagu magacaabo “Dee-jab” oo ku taala dhulka hoose ee lagu magacaabo “Nuujad”, waxaana loo eegaa inay tahay goobta ugu balaaran, “Dee-jab” waxa ay u jirtaa Caasimadda Xudeybo masaafo dhan (75 km).
Soomaalidu waxa ay yiraahdaan qaar ka mid ah xoolo raaca Soomaalida ee Jaziiradda Suqadra degan ayaa waxa ay cows uga raadiyaan xoolahooda lo’da iyo ariga ka kooban waqtiyada ay abaarta jirto godadkaasi oo ay ku nagaadaan in muddo ah.
Xeebta Jaziirada ayaa waxaa lagu sheegay masaafo dhan (300 meyl) , waxa ayna leedahay waxyaabo u gaar ah oo ah bacaad cad oo nadiif ah oo u sameysan sida Suuf meel lagu aruuriyay oo kale , waxaana ay sidoo kale Jaziiraddu leedahay geedo timareed quruxdeeda iyo bilicdeeda qeyb ka qaatay, biyaheeda waa kuwa saafi ah oo ka maran wasaqeynta maraakiibta ay ka sameeyaan geeska afrika , waxaad ku arkeysaa noocyo badan oo kaluun oo dhex dabaalanaya biyaha, waxa ay leedahay goobo iskood u sameysan oo qubeyska iyo quusida loogu tala-galay, biyaha xeebta waxaa lagu arkaa noolayaal dhif iyo naadir ah sida qubo cagaar ah oo aad u weyn ,noocyo kala duwan oo ah noolayaasha aan laf-dhabarta laheyn iyo Luul oo ay caan ku tahay Jaziiradda tan iyo taariikhaheeda facaweyn , waxaad ku arkeysaa biyo shubad ku dul hooraya goobo kala duwan oo ay ugu muhiimsan tahay biyo shubadka loo yaqaan “Dangahaan” oo ka fog Magaalada Xudeybo masaafo dhan (6 km) oo qura , waxaa kaloo jira biyo qubatada kala ah Xaala,Muume,Qacra iyo Ciihfat, biyo shubadyadaasi waxa ay ka soo burqadaan dhakada sare ee buuraha si joogto ah mar waliba .
Jaziiradu waxa ay u dhaxeysaa buuro, dhul hoose, dhul sare oo siman, dooxooyin iyo khaliijyo, dhulka sare ee loo yaqaan “Taagga dhexe” waxa uu heysataa inta badan bedka Jaziiradda, waxa uuna gaaraa ilaa iyo dhulka hoose ee Xeebta ah si aayar aayar ah, waxaana kala qeybiya dooxa lagu magacaabo “Deey Casaroow” oo laba qeyb ah oo la kala yiraahdo figta bari iyo figta galbeed.
Jaziiradu waxa ay leedahay dhul hoose oo xeeb ah oo dhanka waqooyi iyo dhanka koonfureed intaba, waxaana dhanka waqooyi aad ku arkeysaa dhulka hoose ee Xudeybo oo u kala qeybsama dhul hoobadka Raas-mudahan, dhul hoobadka dooxooyinka Darbaaca iyo Dhoocin, dhul hoobadka Xudeybo, dhanka koonfureed waxaad ku arkeysaa dhulka hoose ee lagu magacaabo “Nuujad” oo u sii kala qeybsama dhul hoobadka dooxa Deecfarhuu iyo dhul hoobadka kale ee isna la yiraahdo dooxa Deeczarhuu.
Dhul hoobadyada koonfureed ee xeebta ah waxa ay leeyihiin buuro dhuuban, waxaana lagu magacaabaa dhul hoobadka “Nuujad” iyo dhul hoobadka “ Qacra” , waxa ayna taxan yihiin dhul hoobadyadaasi laga soo bilaabo konfurta Raas muume ee bariga Jaziiradda ilaa iyo Raas Shoocab oo galbeed ah , waxaana hareeya dhulkaasi caro u jilcan beerashada .


Buuraha ayaa waxa ay u qeybsamaan jihooyin kala duwan oo ah qeybta sare ee “Taagga dhexe”, waxaana ugu muhiimsan taxanaha buuraha Xajahar, oo ah buurta ugu sareysa oo joogeedu dhan yahay 1505 miter, waxa ayna taxan tahay laga bilaabo Waqooyi bari ilaa iyo koonfur galbeed masaafo ku dhow (24 km) , joogeeda ayaa waxa uu sara uga kacay qeybta dhexe iyo bari , waxa ayna ciriirisaa qeybta galbeed , waxaa kaloo halkaasi ku yaala buuro kale oo ay ugu muhiimsan tahay buuraha Falaj oo ah dhanka bari , waxaana joogeedu gaaraa (640 mitir) ,halka buuraha Quulhal oo ah dhanka koonfur galbeed ay gaareyso figteeda (978 miter ), iyadoo buuraha Kadax ee dhanka koonfureed ay ka gaarto jooga in la eg ( 699 miter ) , buuraha dhuu-dhuuban ee dhinaca koonfureed waxaa dhirirkeedu gaaraa ( 560 miter ) , waxaase jira buurta Dheed Baaca oo dhirirkeedu yahay ( 550 miter ) , buuraha kala ah Zoola ,Ceefa iyo Kheyraha waxa ay ka wada siman yihiin dhirirka , joogooduna waa ( 1394 miter ) , buurta Qaadhin wuxuu joogeedu dhan yahay ( 800 miter ) , Buurta Faadahan waxa ay iyana sareysaa ( 778 miter ) , buurta Keeraq ayaa joogeedu lagu sheegaa ( 660 miter ) .
Jaziiradda Soqotra waxaa laga helaa tiro badan oo dooxooyin ah, waxaana ay kala yihiin:-
1)Dooxooyinka ku shuba biyaha Waqooyiga Jaziirada ee badda gudaheeda oo gaara ilaa iyo bariga Magaalada Xudeybo , waxaana soo jiidasho leh biyo fariisinada yar yar oo aan dhaafsiisneen ilaa iyo (7km), waxa ayna u shubaan biyaha si joogto ah mar waliba , waxaana ka mid ah dooxooyinkaasi Dooxa Dangahan, Dooxa Xashara,Dooxa Dunya,Dooxa Daraabaca iyo Dooxa Doocaq.
2) Dooxooyinka ku shuba biyaha Waqooyi galbeed ee ku yaala dhanka Waqooyi ee Buurta Faadahan, waxaana ka mid ah dooxooyinkaasi Dooxa Doochar, Dooxa Caamidahan, Dooxa Jaclal, Dooxa Demjet iyo Dooxa Farxa.
3) Dooxooyinka Koonfurta , waxa ay biyaha ku shubaan koonfurta Jaziiradda ee ku taala dhinaca bari ee buurta tuulada lagu magacaabo “waahii widyaan”, waxa ay leedahay biyo hoobad dheer iyo biyo fariisino la falgala dooxooyinka waqooyi oo roobka si xad dhaaf ah uu uga da’o xilli roobaadka guga, kaasoo biyahiisa ay gaaraan dhul hoobadka “Nuujad”, waxaana dhaq-dhaqaaq waxbeerasho ah ay ka bilaabantaa dooxada Satariyoow,dooxada Tariifariz,dooxada Riishi, dooxada Casara, dooxada shabhuun iyo dooxada faaqa, dooxooyinkani waxa ay gaaraan ilaa iyo dhulka sare ee siman, waxa ayna biyaha ku shubaan dhulka qotama ee xeebta koonfureed , hayeeshee waadiyaasha biyaha ku dara badda waxa ay kala yihiin dooxa Sahuub iyo dooxa kale ee la yiraahdo Casaham, iyagoo sameeya laamo yar yar oo biyaha ku daadiya bartamaha Jaziiradda .
Jaziiradda Suqotra waxaa ay leedahay madaxyo gumac u eg oo buura dhagax ka sameysan , kuwaasoo qaarkood ka dhex muuqda biyaha badda sida madaxyada ku yaala waqooyi iyo bari , waxaana ugu muhiimsan : Raas Muume, Raas Diidam, Raas Mudahan , Raas Buur Kaatin, Raas Cadahow,Raas Deey Xamari , Raas Xoolaaf, Raas Qarqama, Raas Canad, Raas Bishaara , Raas Samaari iyo Raas Xamoohar, iyadoo sidoo kale ay jiraan madaxyo kale oo ku yaala galbeedka Jaziiradda sida Raas baadowhan, Raas Xamarhuu iyo Raas Shoocab, hayeeshee madaxyada kale ee ku yaala konfurta Jaziiradda waxa ay tahay Raas Shaxan, Raas Mudiif, Raas Zaaxiq,Raas Qaash iyo Raas Yanan.
Waxaa jira koox yar oo khaliijyo ah “gacamo” kuwaasoo ku dhex yaala Jaziiradda, waxaana looga faa’ideysan karaa dekado dabiici ah iyo xilliyada dabeylaha xoogan ay ku dhufanayaan Jaziirada gaar ahaan dhulka hoose ee Xudeybo iyo afaafka bari iyo galbeed, waxaana dabeylaha ay dhacaan laga bilaabo bilowga bisha June ilaa iyo dhamaadka bisha September, waxaana maraakiibtu ay gabaadsadaan khaliijyada Jaziiradda oo kala ah:
1) Khaliijka Badar Fiqi ee dhinaca Bari, waxaana uu u dhaxeeyaa Raas Muume iyo Raas Diidam.
2) Khaliijka Canba Tamaariida ee dhinaca Waqooyi, waxaana uu u dhaxeeyaa Raas Qarqama iyo Raas Canad.
3) Khaliijka Bandar Qalansiya ee dhinaca galbeed, waxaana ay u dhaxeysaa Raas Xamarhuu iyo Raas Baadoowhan.
4) Khaliijka Sharabrab ee dhinaca galbeed, waxaana uu u dhaxeeyaa Raas Baadoohan iyo Raas Shoocab.
5) Khaliijka Arsal ee dhinaca koonfureed, waxaa isna uu u dhaxeeyaa Raas Muume iyo Raas Shaxan.
Jaziiradda Suqatra, waxa ay leedahay Seddex cimilo oo kala ah:
1) waxaa ka jira Jaziiradda cimilo bad oo aad u kulul , iyadoo heer kulka ugu sareeya uu u dhaxeeyo ( 26-28) boqolkiiba, heer kulka yar wuxuu u dhaxeeyaa isna (19-23) boqolkiiba , heer kulka dhexe ee sanadlaha waxa uu u dhaxeeyaa (27-29) boqolkiiba,heer kulka wuxuu gaaraa bisha Januray (24m) , bisha July wuxuu gaaraa (30m), waxaa loo eegaa bilaha June iyo July inay yihiin labada bilood ee ugu kulul Jaziiradaasi , waxaana jira laba bilood oo xoogaa kuleylkooda uu yaryahay , waxa ayna kala yihiin bilaha December iyo Januray , waxaana sidoo kale cimilo heer dhexe ah laga dareemaa goobaha ku dhow dhulka buuraleyda.
Deegaanada Bari waxaa ay kaga duwan yihiin dhulka Jaziirada inteeda kale, waayo bilaha sanadka intooda badan deegaanadaasi waa qabow.
2) Deegaanada Galbeed sidoo kale waa dhul qabow ah, waxaana ka mid ah Deegaanka taaga saaran ee lagu magacaabo Dagsam, waxaana ku da’a halkaasi dhado qabow badan leh oo u dhaxeysa 55% oo ah bisha Augost iyo 70% oo ah bisha January.
3) Jaziiradu waxa ay wajahdaa dabeylo daran oo ku dhufta dhanka koonfureed, waxa ayna si xoog leh deegaanadaasi u garaacdaa laga bilaabo bisha June ilaa iyo dhammaadka bisha Augoust, kadibna si aayar aayar ah ayey dabeysha u yaraataa marka ay u rogmato dhanka waqooyi Bari oo socodkeedu gaaro (10 guntan), hayeeshee dabeylaha koonfur galbeed waxa ay dhacaan bilaha June, July iyo Augoust oo xoogoodu uu sareeyo , waxaana uu gaaraa in u dhaxeysa (40-50 guntan) , waxaana meelaha qaar ee Jaziiradda ay ka gaartaa socodka dabeysha ilaa iyo in ka badan (55 guntan), waxaana xilligaasi lagu arkaa badda isku dhex yaac iyo hirar is hertinaya oo aan joogsi laheyn.
Cali Cabdi Cali “Suxeyfa”


Source: somalitalk

 asuheifa@hotmail.com
 Mogadishu-Somalia
Faafin: SomaliTalk.com | May 21, 2011

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Jaziiradda Suqadra Waxaa leh Soomaaliya, Yemen waa Gumeyste Cusub
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-24T22:12:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Jaziiradda Suqadra Waxaa leh Soomaaliya, Yemen waa Gumeyste Cusub



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:12 PM and have 0 comments