Jawaari oo ku dhawaaqay Waqtiga BF la kala dirayo & Arimo Xasaasi ah…

Jawaari oo ku dhawaaqay Waqtiga BF la kala dirayo & Arimo Xasaasi ah…


ADVERTISEMENTS
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka hadlay arimo badan oo la xiriira Baarlamaanka hada jira ayaa ugu horeyn wuxuu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay sii shaqeyn doonaan ilaa ay ka yimaadaan Xildhibaanada cusub.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya intooda badan hada ay ku maqan yihiin Gobolada ay ka soo jeedaan, iyagoo ka qeyb qadanaya soo xulista Xildhibaanada ka mid noqonaya Dowladda cusub ee dhowaan Doorashadeeda lagu wado in Dalka ay ka dhacdo.

Dhanka kale wuxuu sheegay Gudoomiye Jawaari awooda xukunka Dowladnimo in ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena iyaga ay ka bilaabato isla iyaga ay ku dhamaato awooda, la’aantoodana aysan jiri karin Dowlad dhameystiran.

Hadalakan ayuu ka sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari xilli uu ka qeyb galayay Munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Dowladda Afartii sano ee la soo dhaafay.


HALKAAN KA DHAGEYSO



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Jawaari oo ku dhawaaqay Waqtiga BF la kala dirayo & Arimo Xasaasi ah…
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-16T21:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Jawaari oo ku dhawaaqay Waqtiga BF la kala dirayo & Arimo Xasaasi ah…



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 9:00 PM and have 0 comments