galmada naagta haka kor marto uurey qaadeysaa cadeyn?

galmada naagta haka kor marto uurey qaadeysaa cadeyn?


ADVERTISEMENTS
Mowduuca uuraysiga iyo madhalaysnimadu waa mowduuc aannu is leennahay aad iyo aad buu ahmiyad ugu leeyahay cid kasta oo Soomaali ah oo doonaysa inay guri degto ubadna daadihiso, maxaa yeelay waxaa ku jira macluumaad hadduu qofku fahmo uu kaga maarmi karo dhakhtar  raadin iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee daba jiitamaya, kol hadday ummaddu isaga badan tahay taagooley aan xitaa bixin karin kharashka wiisitada intaanan daawaba laysla gaarin. Haddaba annaga oo mowduuca dib ka quusi doonna, bal marka hore aan ku billowno macluumaad guud oo ku saabsan jinsiga.


XAWADA
Xawadu (Manidu) waa walax duuf ah oo uu ninku ku tuuro ilma-galeenka xaaskiisa kolka uu gaaro heer biyabbax. Xawadu kolka ay soo baxayso waxay leedahay midab jaalle xigeen ah oo u eg casaanka ukunta, ha yeeshee waxay dareere dhegdheg ah isu beddeshaa kolka ay hawadu ku dhacdo. Waxa kale oo ay leedahay ur gaar ah oo uu sababo dheecaanka borostaatku.
Xawadu waxay si joogta ah ugu samaysantaa labada xiniinyood laga billaabo xilliga qaan-gaarnimada (13-15 jir), waxanay ka samaysan tahay madax ay ku jiraan Hiddo-sideyaal (Genes), iyo dib u fududeeya inay dhaqdhaqaaqdo. Xawadu waxay ku noolaan kartaa gudaha habdhiska taranka naagta muddo afar maalmood ah.
Halkii tuurmo oo xawa ahi waxay u dhigantaa 3-6cm oo saddex jibbaaran ama 220-300 milyan oo unugyo jinsiyeed (Sperms) ah.
Xawadu intaanay ka bixin jirka waxay soo martaa masaafo aad u fog oo ku dhow laba mitir oo dherer ah. Kolka istiinku uu gaaro heerka ugu sarreeya, geedka ninku waxa uu tuuraa shan ilaa siddeed tuurmo oo xawo ah isaga oo sidaasi kaga takhallusaya wax kasta oo ku jira.
CAADADA
Qanjirrada taranka ee ninku waxay maalin kasta si aan kala go' lahayn u soo daayaan malaayiin unugyo jinsiyeed ah, ha yeeshee dhowr kun oo ugxan aan bislayn, ahna kii ay weligeed isticmaali lahayd. jirka haweeneydu taa waa uu ka duwan yahay. Haweeneyda qaan-gaarka ahi waxay leedahay keyd dhan Haddaba 26-28 maalmood oo kasta waxay haweeneydu soo deysaa hal ugxan oo bislaata bartamaha wareeg caado oo kasta, gaar ahaan maalinta 15aad marka dib loo soo tiriyo caadada xigta. Ugxantu ayadoo bisil ayay kasoo baxdaa ugxan-sidaha, diyaarna ku noqotaa luqunta ilma-galeenka (Cervix of Uterus), haddii aan muddo go’an gudeheed lagu faxlinna jirku waa uu iska soo qashin saaraa ayada oo uu la socdo xoogaa dhiig ahi, hawshaasi oo loo yaqaan (Caado).
Caadadu waxa ay ka kooban tahay afar marxaladood oo marxalad waliba ay hal usbuuc qaadanayso:
-                     Usbuuca koowaad ee ka dambeeya joogsiga dhiigga caadada, mid kamid ah labada ugxan side ayaa soo daaya hal ugxan.
-                     Usbuuca labaad ugxantu waxa ay ka soo baxdaa ugxan sidaha. Inta badan haweenku ma dareemaan ka soo baxaasi, ha yeeshee qaar tiro yar baa xanuun aan sidaa usii badnayn dareema.
-                     Usbuuca saddexaad ugxantu waxay soo martaa makaroofanka (Buuqa).
-                     Usbuuca afaraad haddii aan ugxantaasi la faxlin waa ay dhimataa, isla markaasi gidaarka ilma-galeenku waxa uu soo tufaa dhiig iyo dareere kale oo ku dheehan ugxantii dhimatay, gebi ahaantoodna waxay ka soo baxaan afka cambarka waxaana markaasi loogu yeeraa (Dhiig caado).
     Dumarka boqolkiiba konton (50%) dhiiggooda caadadu waxa uu u dhexeyaa 25-75 garaam.
Haweeneyda caadada qabta waxa la gudboon inay ku dadaasho nadaafadda iyo isku bed-beddelashada dharka, mar kastana isticmaasho boolbire. Waa inaysan sariirta isku tuurin kolka ay caadadu ku dhacdo, balse ay isdaryeeshaa gaar ahaan labada maalmood ee ugu horreeya.
waxaannu soo sheegnay in 26-28kii maalmoodba mar caadadu timaado, waxase jirta in mararka qaar isbeddel yari ku yimaado muddadaasi oo ama ay 26 ka yaraato ama 28maalmood ka badato, haddiise isbeddelkaasi uu usbuuc ka bato, waxay taasi ku tusaysaa inuu jiro cudur dhakhtar u baahani. Dhiigga caadadu waxa uu socdaa maalin ilaa toddoba maalmood, haddiise muddadaasi ay ka yaraato maalin ama ka badato usbuuc waxa uu noqonayaa mid aan caadi ahayn oo dhakhtar u baahan. Waxyaabaha gooya ama dib u dhiga dhiigga caadada waxa kamid ah: Isbeddelka jawiga, ka guurista xeebta oo loo guuro magaalada bartamaheeda ama lidkeed, ka guurista ban ilaa buur ama tuulo ilaa magaalo, beddelista waqtiyada cuntada, ku qubaysashada biyo qabow, ciyaarista isboortiga, xanaaqa faraha badan, cabsida iwm. Waxa weliba intaa dheer in inantu kolka ay qaangaarayso ayaamaha dhiiggeeda caadadu aysan habeysnayn.
Dhiigga caadada soo dhowaanshihiisa dumarka qaar baa ku garta calaamado ay kamid yihiin: Calool xanuun, daal, indhaha dushooda oo culays ka fuulo, shuban, madax xanuun, tamar darri iyo suuxdin, iwm., haddiise ay gabadhu dareento xanuun aan loo adkeysan karin waxa markaasi habboon inay dhakhtar la tashato.
Xanuunka ka yimaada caadada waxyaabaha kahortaga waxa kamid ah tarbiyadda wanaagsan. Waxa nalooga baahan yahay haddii aynu nahay waalidiinta carruurta koriya in aynu u sharraxno hablaha inta ay yaryar yihiin wax kasta oo ay la kulmi doonaan mustaqbalka, si aysan kedis ugu noqon oo aanay uga welwelin caadadaasi iyo dhiigga la socda. Kolka aannu inanta kala hadlayno caadada ku dhacday markii ugu horreeysay, waa in aynu ku waaninnaa waanadan oo kale: (Caadadu ma aha cudur ama ceeb, balse waxay ku tusaysaa inad qaangaartay. Hadda laga billaabo waxaad gudahaaga ku qaadi doontaa bu'dii uu ka uunmi lahaa uurjiifku. Waxaad ogaataa in aad weynaatay ood mar dhow noqon doonto haweeney, kolka aad si wanaagsan u kortana aad carruur dhali doonto. Haddaba farax oo ducayso markasta oo ay caadadu kaa timaado, hana u aabayeelin xanuunnada yaryar ee ay keento. Dhiigga aad arkaysaa ma aha wasakh sida ay ku doodaan kuwa jaahiliinta ahi, balse waxa weeye mid caafimaad, waana hoore cunto u noqon doona carruurtaada berrito. Haddaba ka soo qaad ayada oo ay caadadu kuu tahay ballanqaad laguu ballan qaadayo farxad soo socota taasi oo ah hooyonnimo).
Inantu waxay marka ugu horreeysa caada keentaa kolkay 11-12 jirsato, waxase laga yaabaa inay da'daasi dib uga dhacdo taasi oo ku xiran jawiga ay ku kortay, cuntada ay cunto, iwm., ha yeeshee haddii ay 18 jir dhaafto iyada oo aanay weli caado ka imaan waxa markaasi habboon inay dhakhtar u tagto.
DHAXLIDDA ASTAAMAHA
Qof kasta oo bani'aadmi ahi waxa uu ka unkamaa hal unug oo lagu magacaabo (Bu'da bacrimane), taasi oo ka dhalata kolkay is galaan iskuna baaba'aan xawada ninka iyo ugxanta naagtu. Unuggaasi waa uu qaybsamaa asagoo u kala jeebmaya laba unug oo isla eg, dabeeto afar, dabeeto siddeed unug…ilaa uu ka samaysmo qof bani'aadmi ah oo ka kooban kumanaan unugyo ah.
Bu'da unugga ayaa ah halka uu qaybsanku ka dhaco. Bu'da waxa ku dhex jira koox miiqyo ah oo isku dhex miliqsan looguna yeero Koroomasoomyo (Chromosomes). Unugga jirka bani'aadmigu waxa uu ka koobanyahay 46 koroomasoomyo oo lambar labaysan (laba saf oo kiiba 23 koroomasoom ka kooban yahay). 
Koroomosoomyada waxaa ku dul tixan Hiddo-sideyaal (Genes) ah kuwa iyagu xaddida astaamaha ruux kasta oo inaga mid ah u gaar ah ee lagu garto. Astaamaha sida; dhererka, midabka dubka, midabka indhaha, iwm., waxa xukuma laba qindi hidddo-side ama isku jaad ah ama isku liddi ah, kagana raran labada koroomasoom ee lambarka labeysan laba meelood oo iska soo horjeeda. Labadii qindi hiddo-side ee isku jaad ahi, astaan mideysan ayay toos ugu gudbiyaan tafiirta. Labadii qindi hiddo-side ee isku liddi ahi waxay kala xukumaan laba astaan oo isku liddi ah, mid uun baana tafiirta u gudubta (shiiqiye) iyada oo tan kale la qariyo (shiiqsane).
Haddii aynu maykariskoob ku eegno waxaynu arkaynaa in qindi kasta oo koroomasoomyo ahi isaga mid yihiin xagga qiyaasta dhererka iyo muuqaalka, marka laga reebo qindiga 23aad oo isaga  koroomasoomyadiisu ay ku kala geddisan yihiin xag muuqaal iyo xag dherer intaba. Labadaa koroomasoom ee dambe mid baa dheer, dhumucda madaxiisuna weyn tahay, waxaana loo yaqaan X, midna waa uu gaaban yahay, dhumucda madaxiisuna yartahay, waxaana loo bixiyay Y. 44ka koroomasoom ee qindi-qindiga isugu jaadka ah waxa loogu yeeraa koroomasoomyo jireed, halka labada koroomasoom ee X iyo Y looga magacaabo koromasoomo jinsiyeed.
Xawada ninka iyo ugxanta naagta midkiiba waxa uu ka kooban yahay unug koroomasoomyo jireed (46 koromasoom oo lambar labaysan) barkii (23 koroomasoom oo lambar baran ah), waxaana lagu magacaabaa unug koroomasoomo jinsiyeed. Kolka haddaba ay midoobaan xawada iyo ugxantu iskuna baaba'aan, waxay yeeshaan tira buuxda oo koromasoomo ah (46 koromasoom oo lambar labaysan ah). Haddaba 46ka koroomasoom ee ay sidaan unug jireedyadu, 23 koroomasoom kamid ahi waxay ka yimaadaan xawada aabbaha, 23ka kalena ugxanta hooyada. Sidaasi daraadeed, astaamaha qofka lagu suuraadiyo barkood wuxu ka helaa aabbihii, barka kalena hooyadii.
Kolka ugxan iyo xawo isu yimaadaan oo is galaan ayay abuuraan Bacrimane (Zygote) oo ah uur bilawgii. Naagta unug jinsiyeedkeedu waxa uu ka kooban yahay 22 koroomasoom + hal koroomasoom oo dheer, waxaana loo soo gaabiyaa (22+X.). Ninku waxa uu leeyahay isagu laba nooc oo xawo ah:
-                     Nooc ka kooban 22 koroomasoom + hal koroomasoom  oo dheer (22+X) loona yaqaan (xawo X).
-                     Nooc ka kooban 22 koroomasoom + hal koroomasoom oo gaaban (22+Y) loona yaqaan (xawo Y).
     Labada nooc xawo ee aynu soo sheegnay waxaa ka imaan kara laba nooc oo bacrimin ah:
-                     Xawada (22+X) oo la kulanta ugxanta (22+X) gabarina ka dhalato (44+XX).
-                     Xawada (22+Y) oo la kulanta ugxanta (22+X) uuna wiil ka dhasho (44+Y).
Sidaasi buu nooca ubadku ugu xaddidmaa daqiiqadda ay dhacayso bacrimintu. Saa darteed, cilmi ahaan cidda ka mas'uulka ah nooca ubad ee dhalanayaa waa ninka iyo xawadiisa, oo hadday xawadu tahay X waxa ka dhalanaysa gabar, haddiise ay tahay Y waxaa ka dhalanaya wiil. Haddaba waxaynu halkaasi ka garan karnaa in haweeneyda iyo ugxanteedu aanay wax door ah ku  lahayn xaddidaadda nooca ubad ee dhalan doona, waana macluumo loo baahan yahay inay ogaadaan ragga ku eedeeya mararka qaarna kuba fura haweenkooda gabdho ay dhaleen aawadood. Tan kale, miyaanay ragga caynkaas ahi akhrin Aayadahaan:
 }Eebbe asagaa iska leh xukunka samooyinka iyo dhulka, wuxuu abuuraa wuxuu doono, cidduu doono wuxuu siiyaa gabdho, cidduu doonana wiilal. Amaba wuxuu isugu daraa wiilal iyo gabdho, cidduu doonana waxa uu ka dhigaa madhalays, isagaa wax og, awoodi karana{ (Suutar As-Shuuraa: 49, 50).
BACRIMINTA
Halkii jeer ee ay galmo dhacdo, waxaa gudaha cambarka gala qiyaastii 300 milyan oo xawo ah, ha yeeshee dhowr boqol oo qura ayaa gaara ugxanta. Xawadu intaanay ugxanta gaarin waa inay cambarka ka gudubtaa. Cambarka gudihiisa waxa ku badan Aysiidha,  xawaduna waxay u baahan tahay jawi Alkali ah , Aysiidhuna ku yartahay.Waxaa markaa lama huraan ah inay xawo aad u fara badani halkaasi ku xasuuqmayso. Xawadii intay ka badbaaddo xasuuqaasi, dareeraha duufka ah haleesha ayuun baana gaaraysa ugxanta oo bacriminaysa.
XAWADA WIILKA IYO TAN GABADHA
Waxaynu hore u soo sheegnay in xawadaY ay tahay ta uu wiilku ka dhasho, halka X ay tahay ta ay gabadhu ka dhalato. Waxase jira waxyaabo kale oo ay ku kala duwan yihiin labadaasi nooc ee xawo:
-                     Xawada X waa ay ka madax ballaaran  tahay xawada Y.
-                     Tirada xawada Y waa ay ka badan tahay tirada xawada X.
-                     Xawada Y waa ay ka firfircoon tahay ta X, ha yeeshee waa ay ka keyd yartahay, sidaa daraadeedna ka hordhiman ogtahay.
-                     Xawada X waa ay kaga adkeysi badan tahay ta Y Aysiidha cambarka.
UURAYSIGA
Xawadu kolka lagu tuuro cambarka, waxay isugu tagtaa guntiisa meel u dhow afka ilma-galeenka oo isagu soo daaya dareere xawada ugu dul meereysta sida ay shinnidu buulkeeda ugu dul meereysato, dabeetana u kaxaysta dhanka afka ilma-galeenka. Masaafada u dhaxaysa halka ay ugxantu taallo iyo afka ilma-galeenku waxay dhantahay 150 cm., muddada ay xawadu u socoto halkaasina waxay u dhigantaa muddada uu nin lugaynayaa ku jari karo masaafo 8 km ah. Waddadaasi u dhaxaysa ugxanta iyo afka ilma-galeenku waa mid jiirooyin badan, waxaana ku yaal qanjirro iyo maqaarro badan oo laalaaban, kuwaasi oo wiiqa socodka xawada oo isaga lagu qiyaasay o.333 mm/sec.
Xawadu waxay u baahan tahay muddo 5 - 7 saacadood ah si ay u jarto masaafada u dhexeysa cambarka iyo (makaroofanka), halkaasi oo ay ugxantii ku sugayso. Haddaba suuragal ma aha inuu faxal dhaco waqtigaasi kahor, welibana mararka qaar waqtigu intaasi waa uu ka badanayaa, sababta oo ah waxaa kulmaya ugxantii oo aad u yar iyo xawadii oo aan haysan waddo toos ah. Xilligaasi xawadu waxay u muuqataa sidii ciidanka gargaarka degdegga oo raadinaya nin ku dhex lumay buuro aan sahal lagu dhex mari karin.
Maadaama jirka haweeneydu uu diirran yahay, qoyan yahayna, waxaa suuragal u noqonaysa xawada inay ku dhex noolaato muddo laba ilaa afar maalmood ah iyada oon lumin awooddii faxlista. Xawadu waxay ka tagtaa labada makaroofan gashaana gudaha caloosha, dabeetana hareereysaa ugxansidaha, iyada oo raadinaysa meel ay u marto ama ay suuragal tahay inay ugxantu ka soo baxdo, waxaanay saacado badan u sugtaa imaatinka ugxanta sidii eeyo ugaareed oo hor fadhiya god bakayle.


ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: galmada naagta haka kor marto uurey qaadeysaa cadeyn?
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-11T01:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
galmada naagta haka kor marto uurey qaadeysaa cadeyn?



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:00 AM and have 0 comments