Dumarka Oo La Xaqiijiyay Inay Ragga Kaga Wanaagsanyihiin Samaysashada Saaxiibtinimada

Dumarka Oo La Xaqiijiyay Inay Ragga Kaga Wanaagsanyihiin Samaysashada Saaxiibtinimada


ADVERTISEMENTS
Haweenka ayaa la xaqiijyey inan labanlaab kaga fiican yihiin ragga samasashada amma abuurashada saaxiibtinimada. Sidaa waxa shaaca ka qaadday daraasad cusub oo ay sameeyeen Khubaro u dhashay dalka Ingiriiska.
Dumarka daraasaddan uu gaaloos.com soo turjumay ka qaybqaatay ayaa saddexdii haween ah mid ka mid ah waxay sheegtay in saaxiibadeeda ugu wanaagsan ku baratay goob waxbarasho amma dugsi ay dhigato amma dhigan jirtay.

Cilmi-baadhistan oo la is-barbardhigay ragga iyo dumarka oo haweenku kaga fiicnaadeen dhinaca saaxiib-samaysiga, waxayna lixdii ka mid ahba midkood uu sheegay in saaxiibkiisa ugu wanaagsan uu ku bartay dugsi waxbarasho, waxaanay daraasaddu sheegtay in raggu saaxiibada ku samaystaan goobaha shaqada amma xilliyada ay hawlaha ku jiraan.

Waxa kaloo daraasaddu iftiimisay in 13% saaxiibbadda wanaagsan ee raggu isku waaraan, halka 16% dumarku aanay isku sii raagin, waxaanay  haweenka cilmi-baadhiska ka qaybqaatay sheegeen in badan oo saaxiibadooda ka mid ah inaanay jeclayn, iyadoo intaa ku dartay daraasadu in marba marka ka dambaysa ee da’da qofku sii korodho saaxiibtinimadiisuna sii yaraato, waaxaanay ku qiyaaseen khubaradu in 60 jirka qofku markuu gaadho uu celcelis ahaan leeyahay saddex saaxiib oo aad ugu dhaw.

Steven Simpson oo ka mid ah khubarada cilmi-baadhistan ka hawlgashay, ayaa sheegay in dumarku ragga kaga wanaagsanaadeen samaysashada saaxiibtinimada iyo dad dhex galkaba.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Dumarka Oo La Xaqiijiyay Inay Ragga Kaga Wanaagsanyihiin Samaysashada Saaxiibtinimada
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-18T03:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Dumarka Oo La Xaqiijiyay Inay Ragga Kaga Wanaagsanyihiin Samaysashada Saaxiibtinimada



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:30 AM and have 0 comments