Doorka Jabuuti Shirkii IGAD ee Muqdisho iyo Xagal daacin toobiya ku waday

Doorka Jabuuti Shirkii IGAD ee Muqdisho iyo Xagal daacin toobiya ku waday


ADVERTISEMENTS
Dowladda Jabuuti ayaa kaalinta ugu weyn ka qaadatay qabsoomida Shir madaxeedkii IGAD ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, inkastoo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle aanu ka qeyb galin shirka, hadana waxaa uu lahaa doorka ugu weyn qaban qaabinta shirka.

Safiirka cusub ee Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya Aadan Xasan Aadan ayaa sheegay in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu qorsheeyay ka qeyb galka shirka IGAD, hase ahaatee ay suura geli weyday, kadib cilad soo wajahday diyaaradii la socotay.

“Madaxweynaha Jabuuti qaban qaabada iyo diyaarinta shirka door weyn ayuu ka qaatay, wuxuu diyaar u ahaa 100% inuu diyaar ahaado oo uu shirka joogo, laakiin cilad farsamo ayaa ku timid diyaaradii uu la socday oo fariisan weyday garoonka Muqdisho, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya asigaa habeen hore ku qal qaaliyay sababna u ahaa inuu shirka tago”ayuu yiri Safiirka Jabuuti Aadan Xasan oo ka hadlayay dib u dhicii ku yimid Madaxweynaha Jabuuti.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti uu ku cadaadiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn inuu ka qeyb galo shirka, kaddib markii ay soo baxday saacadihii u dambeeyay ee la isku diyaarinayay qaban qaabada in uusan Muqdisho imaaneyn.

Ilo wareedyo ay heleyso Heegan24.net ayaa xaqiijinaya in warqadii soo baxday 12-kii bishan oo ku saabsanaa in la baajiyay shirka IGAD waxay aheyd isku day dowladda Itoobiya wadatay oo ay ku dooneysay inay Shirka ku baajiso, warqadan ayaa layaab aheyd sida ay dibada ugu baxday, halka markii hore aheyd mid ay is-dhaafsanayeen gudaha IGAD.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gelinkii hore ee Khamiistii saraakiil ka tirsan Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho ay si hoose ah dad kala duwan ugu sheegeen in shirka baaqday.

Hase ahaatee dadaalo dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dowladda Jabuuti u galeen arrintan ayaa markii dambe suura gelisay xaqiijinta qabsoomida shirka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay ka sheegay furitaanka Shirka in Madaxweynaha Jabuuti aanu shirka ka maqneyn, maadaama uu lahaa qaban qaabada iyo diyaarinta, isla markaana sabab u ahaa in habeen hore Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo diidanaa shirka inuu yimaado uu ku qal qaaliyo inuu tago Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa la yimid Muqdisho ilaalo ka badan kuwii ay la yimaadeen Madaxdii Kenya iyo Uganda ee shalay yimid, taas ayaana dad badan wax iska weydiinayeen, maadaama Itoobiya qeyb ka tahay howl galka AMISOM.

Si kastaba ha ahaatee Shir madaxeedkii IGAD ee shalay ka dhacay Muqdisho ayaa ahaa kii u horeeyay ee Muqdisho ka dhaco, tan iyo markii la aas aasay Urur Goboleedka IGAD sanadkii 1986.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Doorka Jabuuti Shirkii IGAD ee Muqdisho iyo Xagal daacin toobiya ku waday
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-15T06:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Doorka Jabuuti Shirkii IGAD ee Muqdisho iyo Xagal daacin toobiya ku waday



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 6:00 AM and have 0 comments