Ciidamada AMISOM oo gabar toban sano jir ah ku jiirey magaalada Jowhar(Sawiro)

Ciidamada AMISOM oo gabar toban sano jir ah ku jiirey magaalada Jowhar(Sawiro)


ADVERTISEMENTS
Ciidamada AMISOM oo gabar toban sano jir ah ku jiirey magaalada Jowhar(Sawiro)
Mid kamid ah gaadiidka ciidamada AMISOM ayaa ku jiiray oo dhaawac culus gaarsiiyay mid kamid ah carruurta Soomaaliyeed ee magaalada Jowhar.

Mid ka mid ah gaadiidka ciidamada AMISOM ayaa lugta ka maray Kaafiso Axmed Xasan oo ah gabar toban sano jir ah ahna gabar agoon  aabaheed ku dhintey qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

Farxiyo Aamin Buurweyn  oo ah hooyada gabadhan ayaa ugu baaqday maamulka gobolka Sh/dhexe iyo dowlada federalka soomaaliya inay wax ka qabtaan gabadheeda oo halis ugu jirta in ay ku weyso lugteeda.

Haweeneydan ayaa sheegtay in muddo labo cisho kahor ay gabadheeda oo ka timid dugsi quraan uu mid ka mid ah gaadiidka ciidamada nabad ilaalinta AMISOM uu waxyeelo ugu geystey wadada laamiga ah.

“Kolonyo ciidamada AMISOM ah ayaa mid ka mid ah waxa uu lugta ka jiirey gabadhayda wayna ka carareen,hase yeeshee markii aan  ugu geynay xeradooda ee duleedka magaalada Jowhar ay diideen inay wax u qabtaan.”ayay tiri Farxiyo oo u waramaysay weriye ka tirsan Radiojowhar oo ah idaacad ku taal magaalada Jowhar.

Farxiyo aamin ayaa ka codsatay dowlada iyo shacabka soomalaiyeed in gabadheeda agoonta ah wax loo qabto. Ma ahan markii ugu horeysay ee gaadiidka ciidamada AMISOM ay waxyeelo kala kulmaan shacabka gobolka Sh/dhexe.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Ciidamada AMISOM oo gabar toban sano jir ah ku jiirey magaalada Jowhar(Sawiro)
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-15T00:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Ciidamada AMISOM oo gabar toban sano jir ah ku jiirey magaalada Jowhar(Sawiro)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:00 AM and have 0 comments