BAYDHABO: CARRUURTA AGOONTA IYO SABOOLKA AH OO U SHAQEEYA QOYSASKOODA

BAYDHABO: CARRUURTA AGOONTA IYO SABOOLKA AH OO U SHAQEEYA QOYSASKOODA


ADVERTISEMENTS
Cali Abshir Ibraahim waa 14 jir ka shaqeeya garaash baaburta lagu sameeyo oo ku yaalla xaafadda Mursal ee magaalada Baydhabo. Wuxuu qabtaa shaqooyin ay ka mid yihiin qorista biraha baabuurta, dhalaalinta macdanta iyo alxanka. Shaqadan ayuu billaabay markii uu isagoo 10 jir ah geeriyooday aabbihiis, markaas oo uu ka soo tegay miyiga oo uu weli qoyskiisa ku nool yahay  si uu Baydhabo uga shaqeeyo.

Cali oo hoyga keliya ee uu heysto uu yahay garaashka ayaa lacag dhan boqol kun oo shilin Soomaali ah oo maalintii uu ka helo shaqadan masruuf ahaan ugu diraa qoyskiisa oo ka kooban hooyadiis iyo wiil iyo gabar ka yar da’ ahaan oo ku nool miyiga deegaanka Deynuunaay oo 22 km u jira Baydhabo.

“Magaalada uma iman uun in aan shaqo ka helo, waxaan jeclaan in aan sidoo kale wax ka barto. Laakiin labadaas waan isu heli waayay.”

Waxay nolosha qoyskiisa ku tiirsanayd dhaqaalaha ay ka helaan dalagga ka soo go’a beertooda ka hor intii aysan saameyn ku yeelan abaar ku soo noqnoqotay deegaankooda. Cali weligiis ma helin fursad waxbarasho oo aasaasi ah, hase yeeshee afartii sano ee ugu horreysay wuxuu qaab shaqo-barasho ah ula shaqeynayay garaashkan oo siin jiray cunto iyo meel uu seexdo. Laakiin toddobadii bilood ee la soo dhaafay ayaa mushaar loo billaabay.

“Carruurtan waxay xaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho iyo daryeel beddelkii ay shaqeyn lahaayeen,” ayay tiri Luul Isxaaq Aadan oo ah madaxa Xarunta Daryeelka Carruurta Waddooyinka ku dayacan. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in aabbeyaasha geeriyooday iyo saboolnimada ay ugu wacan tahay inay carruurtan shaqeeyaan.

Xaruntan ayaa labadii bilood ee u dambeysay waxbarasho bilaash ah u diiwaangelisay 120 carruur ah oo shaqeeya oo isugu jira wiilal iyo gabdho ay da’doodu ka yar tahay 13 sano. “Qaar maqaayadaha ayay ka shaqeeyaan, qaar biyo ayay dhaamiyaan, qaar haweenka qaadka iibiya ayay la shaqeeyaan, gabdhahana cillaan ayay wareejiyaan,” ayay tiri Luul.

Waxay tilmaantay in carruurtan tacaddiyo loo geysto inta ay shaqooyinka ku jiraan oo la jirdilo oo qaarkood loo diido lacagta ay shaqeystaan, qaarna lagu qeyliyo ama shaqooyinka laga eryo. “Badbaado ayay u baahan yihiin carruurtan dayacan si mustaqbalkooda loo hagaajiyo.” Xarunta oo hadda carruurta oo weli shaqeeya barta waxbarashada aasaasiga ah iyo farsamada gacanta ayay xustay inay qorsheyneyso inay soo kordhiso  qeybo ay carruurta seexdaan waxna ay ka cunaan. Balse way adag tahay in shaqooyinka laga joojiyo maaddaama ay muhiim u yihiin nolosha qoysaskooda.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: BAYDHABO: CARRUURTA AGOONTA IYO SABOOLKA AH OO U SHAQEEYA QOYSASKOODA
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-17T06:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
BAYDHABO: CARRUURTA AGOONTA IYO SABOOLKA AH OO U SHAQEEYA QOYSASKOODA



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 6:00 AM and have 0 comments