Adam Johnson Oo Laga Ceyriyay Sunderland Kadib Galmo Sharci Darro Ah oo La Sameeyay Gabar 15-jir Ah (xidigaha England ee kaga horeeyey falkaan)

Adam Johnson Oo Laga Ceyriyay Sunderland Kadib Galmo Sharci Darro Ah oo La Sameeyay Gabar 15-jir Ah (xidigaha England ee kaga horeeyey falkaan)


ADVERTISEMENTS
Ciyaaryahan hore uga tirsanaa xulka England Adam Johnson ayaa fadeexad galmo sharci daro ah lugaha la galay,isagoo lagu soo eedeeyey inuu la haasaaway gabar 15 jir ah oo galmo sharci daro la sameeyey,kaasoo ugu danbeyntii laga ceyriyey kooxda Sunderland.

Hadaba Wax Ka Ogow Laacibiinta U Dhalatay Ingiriiska Ee Dambiyada Gaarka Ah Gallay Kadibna Laga Eryay Kooxohooda.

1-LEE HUGHES  Hughes waxaa laga eryay kooxda West Bromwich Albion bishii August 2004, kadib markii lagu eedeeyay inuu gaystay dil uu isaga sababtiisa lahaa markii gaarigiisa si qatar leh u kaxeeyay.

Weeraryahanka ayaa muteystay xabsi lix sanno ah, markii uu xakameyn waayay gaarigiisii uu shil kula gallay gaari kale, waxaana ku geeriyooday Douglas Graham halka xaaskiisa Maureen iyo darawalka Albert Frisby ay dhaawacyo culus ka soo gaareen.

Seddex sanno kadib Lee Hughes waa laga sii daayay xabsiga, kooxda Oldham Athletic ayaa la saxiixatay, kadibna wuxuu sii maray kooxa ay kamid yihiin Notts County iyo Port Vale, hada oo ay da’diisu tahay 39-jir waxa uu ka tirsanyahay kooxda Worcester City.

2-LUKE McCORMICK Goolhayaha kooxda Plymouth Argyle ayaa qandaraaskiisa la burburiyay bishii July sannadkii 2008, kadib markii lagu eedeeyay shil gaari oo dhimasho sababbay.

McCormick ayaa xabsiga ku qaatay todoba sanno iyo afar bilood, waxaana lagu heestay inuu sabab u ahaa dhimashada laba caruur ah oo da’doodu kala ahay 8-jir iyo 10-jir, waxaana uu sidoo kale sabab u noqon in caruurta aabahood uu ku fadhiisto kursiga naafada (Wheelchair), waxaana ay dhacdadaas timid markii uu McCormick ka soo noqday xaflad aroos, halka uu laba jeer si xad dhaaf ah u isticmaallay cabitaanka maanka dooriya.

Luke, waxaa xabsiga uu laga sii daayay bishii June sannadkii 2012, kadib ku dhawaad afar sanno oo uu xabsiga ka addeegaayay, waxaana uu xirfaddiisa cayaareed ka sii wayay Truro City kadibna Oxford United ka hor inta uusan dib ugu biirin kooxdiisii hore Plymouth Argyle bishii May sannadkii 2013, sannad kadibna waxaa loo magacaabay kabtanka kooxda.

3-MARLON KING Marlon ayaa laga buriyay kooxdiisa Wigan Athletic bishii October 2009, kadib markii lagu hellay inuu gaystay fara-xumeyn dhanka galmada ah iyo waxyeello jireed oo dhab ah, waxaana lagu xukummay 18 bilood iyo in lagu diiwaan-geliyay dambilayaasha dhanka galmada.

King ayaa lagu eedeeyay inuu gacma-gacmeeyay qof dumar ah oo da’ yar gudaha goobaha lagu caweeyo habeennadii, islamarkaasna uu sanka ka jabiyay markii ay iska dhaga-tirtay baaqiisa.

“Waa arin muruggo leh, waxayna arintaan tusaale xun u tahay jiilka soo socda ee doonaya inay noqdaan xirfadlayaal kubadda cagta dheella” ayuu yiri Dave Whelan madaxweynaha kooxda Wigan Athletic.

Marlon King markii uu soo dhammeystay xabsiga waxa uu sii watay dheeshiisa kubadda cagta, kooxda Coventry City ayuu ku biiray kadibna kooxaha Birmingham iyo Sheffield United ayuu u cayaaray ka hor inta aanan mar kale xabsiga loo dirin bishii May sannadkii 2014, kadib markii lagu eedeeyay inuu gaarigisiisa si qatar leh u kaxeeyay.

4-KEVIN SAINT-LUCE Kooxda Cardiff City ayaa dibadda u saartay Kevin Saint-luce bishii January sannadkii 2003, kadib markii lagu hellay dambi balse aan xabisiga loo dhiggin arintaas.

Kevin ayay kooxdiisu ku eedeysay inuu isku dayay inuu xoog ku maquuniyo laba dumar ah xilli ay ku jireen goobaha habeenkii lagu caweeyo ee magaallada Cardiff. Saint-luce ayaa feeray mid kamida dumarkii taas oo miyir beeshay, waxaana uu weerar halis noqon ku qaaday qofkii labaad.

Ninkaan reer France ee qadka dhexe ka cayaara ayaa shaqo ka hellay AFC Wimbledon ka hor inta uusan ku biirin kooxda Gateshead ee ka tirsan mid kamida horyaallada hoose ee Ingiriiska ee aan caalamiga ahayn oo uu laba sanno ku qaatay, Kevin Saint-luce oo 22-jir ah hada wuxuu ka tirsan yahay kooxda FC Dieppe ee dalkiisa France ka dhisan.

5-CHED EVANS Evans ayaa laga fasaxay kooxdiisa Sheffield United, kadib markii uu ku lug yeeshay fal kufsi ah oo dhacay bishii April sannadkii 2012, waxaana lagu xakumay shan sanno.

Weeraryahankaan u dhashay dalka Wales ayaa la sii daayay bishii October sannadkii 2014, waxaa la saadaallinaayay inuu ku noqon doono kooxda ka dhisan garoonka Bramall Lane ee Sheffield United, balse taageerayaasha oo gadoon sameeyay ayay kooxdu u ogollaan waysay in Evans uu garoonkooda tababar ku sameeyo, wali waa 27-jir kaliya mana cayaarin kubadda cagta tan iyo markii laga eryay kooxdiisa Sheffield.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Adam Johnson Oo Laga Ceyriyay Sunderland Kadib Galmo Sharci Darro Ah oo La Sameeyay Gabar 15-jir Ah (xidigaha England ee kaga horeeyey falkaan)
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-17T22:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Adam Johnson Oo Laga Ceyriyay Sunderland Kadib Galmo Sharci Darro Ah oo La Sameeyay Gabar 15-jir Ah (xidigaha England ee kaga horeeyey falkaan)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:30 PM and have 0 comments