XOG:-Fanaanada Nasteexo Indho oo Ciidan badan ilaalo ka hayaan

XOG:-Fanaanada Nasteexo Indho oo Ciidan badan ilaalo ka hayaan


ADVERTISEMENTS
Waxaa magaalada Hargeysa hadda kusugan Fanaanada Nasteexo Indho oo ka mid ah Heesaayaasha Soomaalida Sanadahaan dambe aad loola dhacay.
Qaarkood dadka taageera Fanaanada waxay sheegeen in Bandhig faneed ay qaban laheyd Nasteexo indho uu hakad ugalay hanjabaad soo baxday awgeed.
Hargeysa Hoteelka ay ka deggan tahay Nasteexo Indho Ee Grown Hotel ayaa ciidan badan oo kuwa Amniga Somaliland ah isku geedaameen si ay usugaan Nabad gelyadeeda.
Taageerayaasha Fanaanada ayaa ka baaqsaday Bandhigaasi maadama ay ka baqdeen dhibaato soo gaarto iyo weerar dhici kara hadii ay tagaan.
Warqad kasoo baxday Golaha Culimada Somaliland ayaa looga digay in dadku tagaan Showga ay Nasteexo Indho ku qabaneyso Hargeysa cidii tagtaana ay qiyaarkeed leedahay.
6
Waa markii labaad oo bil gudaheed la is hor taago bandhig faneed ay Nasteexo indho qaban laheyd dhawaan waxa jirtay in loo diiday Bandhig ay ku qaban laheyd Magaalada Garowe inkastoo markii dambe Dawlad Gobolleedka Puntland ay xoog ku fulisey codsigii fanaanada Showgiina la qabtay.
Dad Hargeysa kusugan ayaa waxay sheegeen in weli Bandhigii Nasteexo Indho uu hakad ku jiro maadama dadku ay cabsadeen hadii ay tagaan in waxyeelo soo gaarto.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: XOG:-Fanaanada Nasteexo Indho oo Ciidan badan ilaalo ka hayaan
Posted by:galmada Net
Published :2016-08-15T03:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
XOG:-Fanaanada Nasteexo Indho oo Ciidan badan ilaalo ka hayaan



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:30 AM and have 0 comments