Wiilashaan maxkamada Sweden ayaa ku xukuntay xabsi daa’in

Wiilashaan maxkamada Sweden ayaa ku xukuntay xabsi daa’in


ADVERTISEMENTS
Labadaan wiil ee Soomaalida ah ayaa shalay waxaa maxkamada Göteborg waxay ku xukuntahay xabsi daa’in ka dib markii lagu helay dambi ay galeen. 

Wiilashaan oo lagu kala magacaabo Adam Abdulahi, 28 sano jir, iyo Ahmed Warsame, 25 sano jir ayaa waxay weerar ku qaadeen baar ciyaaro lagu daawanayahay oo ku yaala xaafada Hisingen ee magaalada Göteborg iyagoo halkaasi ku furay rasaas ay ku geeriyoodeen labo qof.

Maxkamada ayaa guud ahaan dambi ku heshay sideed dhalinyaro ah oo inta kale lagu xukumay xabsi u dhexeeya 10 ilaa 14 sano. Labada wiil ee xabsi daa’inka lagu xukumay ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwa iyagu xabada furay balse kuwa kale ay ka qeyb qaateen qaban-qaabada weerarka. 

Dhalinyarada kale ee xabsiga lagu xukumay ayaa sadex ay yihiin Soomaali.

Qareenka u doodaya wiilashaan ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doonaan go’aanka xaakimka.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Wiilashaan maxkamada Sweden ayaa ku xukuntay xabsi daa’in
Posted by:galmada Net
Published :2016-08-10T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Wiilashaan maxkamada Sweden ayaa ku xukuntay xabsi daa’in



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:30 AM and have 0 comments