Waxa uu ahaa ciyaaryahan caan ah oo hanti leh maantana waa faqiir

Waxa uu ahaa ciyaaryahan caan ah oo hanti leh maantana waa faqiir


ADVERTISEMENTS
Weeraryahankii hore ee kooxda Inter Milan iyo xulka Brazil Adriano oo mar ahaa dhaliye mustaqbal fiican oo ay kooxuhu ka cabsadaan ayaa haatan ku nool xaalad faqri ah oo aad u liidata, isagoo deggan xaafadaha isku raranka ah oo halista badan ee Magaallada Rio de Janeiro ee Waddanka Brazil.

Waqtigiisii kooxda Inter waxa uu Weeraryahanku kula guuleystay 2′ Koob Italia ah, 2′ Horyaalka Talyaaniga ah iyo 3′ Supercoppa Italiana ah, waxaana uu ka mid ahaa Weeraryahannadii ugu fiicnaa casrigiisa.


Si kastaba, Noloshii xaragada lahayd ee uu ku noolaa Adriano ayaa waxaa u beddeshay dhaqaale yari iyo faqri xanuun badan oo ay ugu wacan tahay sidii qaldaneyd ee uu ugu ciyaaray hantidii soo martay, isagoo laga reebi waayay goobaha lagu caweeyo habeenkii inuu khamri ku cabo oo uu muusiggana ciyaaro, waxaana taasi ay ku qasabtay in markii heerkiisii uu hoos u dhacay uu isaga fariistay cayaaraha, isagoo aan gaarin xilligii cayaaraha looga fariisanayay.

Waxaa jirtay mar uu Adriano isku dayay in uu u ciyaaro koox heerka 4’aad ee Mareykanka ah oo lagu magacaabo Miami United, balse qorshahaasi waa uu u socon waayay, waxaana ay arrintiisu haatan ku soo biyo shubatay inuu la hardamo nolol maalmeedkiisa, isagoo ku nool xaafadaha ugu nolol liita Brazil





ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Waxa uu ahaa ciyaaryahan caan ah oo hanti leh maantana waa faqiir
Posted by:galmada Net
Published :2016-07-31T19:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Waxa uu ahaa ciyaaryahan caan ah oo hanti leh maantana waa faqiir



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 7:30 PM and have 0 comments