U Gaar ah Lamaanaha Guurdoonka ah: Dhaawacyada ka dhasha Habeenka bikra jebinta-

U Gaar ah Lamaanaha Guurdoonka ah: Dhaawacyada ka dhasha Habeenka bikra jebinta-


ADVERTISEMENTS
Waxa ay u eegtahay in wadanka England ay xaraarada raaxada sariirtu aad u badan tahay. Taas oo keenta dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaadha lamaanaha hawsha u gaarka ah ku guda jira. Hadba arintan ayaa waxa baadhitaan ka soo sameeyay Phonepiggybank.com si loo ogaado dhaawaca soo gaadha lamaanaha marka ay raaxaysanayaan oo xaraaradoodu meel sare marayso iyo sida ay u dhacaan. Baadhitaan ka dhacay wadanka England oo waraysi laga qaaday 1000 qof ayaa waxa la waydiiyay noocyada galmada iyo dhaawacyada ka soo gaadha marka ay raaxaysanayaan. Baadhitaanka ayaa waxa lagu ogaaday in sanad walba boqolaal kun dhaawac ka soo gaadho xiliga ay raaxaysanayaan.

Hal kamid ah seddexdii qofba mid ayaa waxa ka soo gaadho dhaawac marka uu raaxaysanayo, laakiin waxa ay ogaadaan ama dareemaan dhaawaca maalinta dambe ee xaaladu degan tahay. Waliba dhaawaca ayaa qaar waxa uu gaarsiiyaa in ay maalinta dambe aadin shaqada oo ay guriga joogaan.

Hadaba meesha ugu khatarsan ee lagu sameeyo raaxada guurka ayaa ah kursiga qolka fadhiga, halkaas oo ah meesha dhaawaca ugu badani ka dhaco. Ilaa 10% ayaa ayaguna ka dhaca sariiraha marka ay ku jiraan xiliga jacaylku marayo meesha ugu saraysa. Baadhitaanka ayaa waxa ka mid ahaa in la waydiiyay dadkii la waraysanayay alaabata ku jajabta xiliga la raaxaysanayo. Alaabta u badan jajabka ayaa ah dhalooyinka wax laga cabo ee u dhow meesha ay ka dhacayso raaxada guurku. Laakiin ta sida caadiga jabtaa waa sariirta oo ah meesha jacaylku salka dhigo. Afhayeen u hadlayay phonepiggybank.com ayaa waxa uu ku taliyay in ay haboon tahay in wadada laga sii faaruqiyo alaabta ku jajabi karta xiliga galmada, taas oo u keeni karta lamaanayaasha dhaawac. Dhaawacyada kala duwan ee soo gaadha lamaanayaasha ayaa ah:

1. Muruq dhaawacma

2. Dhabar xanuun

3. Diirka oo ku xoqma ka dibna noqda sidii mid gubta.

4. Qoor xanuun

5. Jug ka soo gaarta jilbaha.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: U Gaar ah Lamaanaha Guurdoonka ah: Dhaawacyada ka dhasha Habeenka bikra jebinta-
Posted by:galmada Net
Published :2016-07-20T02:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
U Gaar ah Lamaanaha Guurdoonka ah: Dhaawacyada ka dhasha Habeenka bikra jebinta-



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:00 AM and have 0 comments