Qilaafka shabaab iyo Gaaljecel oo siikordhay iyo diyar garow dagaal oo laga daremayo Beled weyne

Qilaafka shabaab iyo Gaaljecel oo siikordhay iyo diyar garow dagaal oo laga daremayo Beled weyne


ADVERTISEMENTS
Wararka laga helayo degamada ceel cali ee gobolka hiiraan ayaa sheegay in cutubyo katirsan ciidamo dhawaanahaan lagu tawabarayey deegaanka motoor aay soogaareen degmada ceel cali oo kamid ah degmoioyinka waaweyn ee  gobolka hiiraan

Ciidamadaan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 1000 askari ayaa waxaa lasheegay inaay yihiin ciidamo beesha gaaljecel u qorsheysay iney deeganadeeda kaga saarto ururka al shabaab oo dhib badan sida dadka deeganka aay sheegeen kuhaya bulshada kunool degmooyinka gaaljecel

In kabadan 7 gaari oo isugu jira kuwa xambaara hubka culus sida qoryaha shilkaha,dhashiikaha iyo suugaga ayeey wataan ciidamada  saraakiisha hor kaceysa ciidankan ayaa kagaabsaday iney shaaciyaan deeganada aay kuwajahan yihiin

Balse warar hoose oo aan kahelnay xildhibaano baarlamanka katirsan oo kasoo jeeda beesha gaaljecel ayaa inoo xaqiijiyey in ciidamadan aay kusocdaan deegaanada luuqa jeelow,haraale,raangaabe,ceelka baar,bisle iyo degmada buq aqable dhulkaasi oo ah dhul aay degto beel weynta galjecel oo aay shabaab xooga kuhaystaan

Weerarkan ayaa qorshihiisa beesha gaaljecel kugaartay dhawaan magaalada beled weyne ayagoona ku faataxa martay iney iska xureeyaan cadawga heysta deeganadooda

Kacdoonka beesha gaaljecel ayaa kadambeysay kadib markii dhawaan nabadoon siweyn uga dhaxmuuqda beeshan aay shabaab kuqaleen deeganka luuqa jeelow ee gobolka hiiraan



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Qilaafka shabaab iyo Gaaljecel oo siikordhay iyo diyar garow dagaal oo laga daremayo Beled weyne
Posted by:galmada Net
Published :2016-07-28T03:08:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Qilaafka shabaab iyo Gaaljecel oo siikordhay iyo diyar garow dagaal oo laga daremayo Beled weyne



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:08 AM and have 0 comments