Nolosha Mohamed Ali Klay

Nolosha Mohamed Ali Klay


ADVERTISEMENTS
Ninkan wuxuu dhashay 1942  Kentucky state  magaca uu ku dhashay wuxuu ahaa Cassius Marcellus Clay Jr, wuxuu ka dhashay famil afrikaan ah, wuxuu islmaamay sanadka markuu ahaa 1965, magaca hore wuxuu u baddalay Maxamed magaca ugu dambeeyana sidiisa ayuu ku dhaafay, magaca Kalay afka igiriiska waa dhoobo wuxuuna ahaa magaca addoonimada loogu bixiyay familkiisa, markii islaamay ayuu sii caan baxay.


dagaalkii vitnam marka uu maraykanka la galay maxamed cali kalay wuxuu ka mid ahaa dadka ka soo horjeestay  wuxuu yiri ” Annaga haddaannu nahay muslimiin dagaal aan jihaad ahayn ma gali karno dagaalkan wuxuu lid ku yahay fariimaha Quraanka” wuxuu kaloo yiri la dagaalami maayo ciidanka Vintam iyaga iiguma yeerin jareer” marka la gaaray sanad 1967 waxaa laga qaaday magaca uu ka helay feerta waayo wuxuu diiday inuu ciidanka maraykanka ku biiro dagaalka ayuu ka soo horjeestay ee vitnam, laakin ciidanka maraykanka dagaalka vintam wuu ku fashilmay marka la gaaray sanad 1970 wuxuu u soo laabatay cayaartiisa wuxuuna  feerta la galay ninka lagu magacaabi jiray  Joseph William “Joe” Frazier, marka la gaaray 1974  maxamed cali kalay wuxuu ka guulaystay ninka la dhihi jiray  Foreman, markaas wuxuu noqday ninka ugu haysta cayaarta veerta dunida oo dhan.
wuxuu dhintay 4/6/2016 isagoo jira 74 sano, Ilaahay ja u naxariisto




ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Nolosha Mohamed Ali Klay
Posted by:galmada Net
Published :2016-07-03T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Nolosha Mohamed Ali Klay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:30 AM and have 0 comments