Galmada ammaanka ah Ee aan Cudur dhan arkeenin (Sir Muhiim ah)

Galmada ammaanka ah Ee aan Cudur dhan arkeenin (Sir Muhiim ah)


ADVERTISEMENTS
Xaaraanta Ha Fogow Kororso Aqoon Oo kaliya,Ha sababsan Warbixinta xayeysiin Nolosha.Macluumaadkan waxaa loo diyaariyey dadka Xalaasha Ku Galmooda.

Waa maxay galmada ammaanka ahi?

Galmada ammaanka ahi waa doorashada inaad ka ilaaliso naftaada iyo dadka kaleba infekshinka galmada laysku raaciyo (STIs), oo ay ku jiraan HIV/AIDS. Galmada ammaanka ahi waa galmada ay manidu (Cum), qoyaanka ferjiga ama dhiigu aan laysku waydaarsan dadka isu galmoonayaa.

Isweydaarsiga dheecaanka jirka waxay dhici kartaa inta lagu jiro:
• Galmada ferjiga (guska oo ku jira ferjiga).

• Galmada dabada (guska oo ku jira dabada).

• Galmada afka (guska oo ku jira afka ama carabka oo ku jira ferjiga).

• Xiriirka afka iyo dabada (carabka oo ku jira dabada).

• Faraha ama qalabka kale sida alaabta galmada oo ku jirta ferjiga ama dabada haddii qoyaankani ku yaal dushooda.
Sidee baan u sameyn karaa galmo ammaan ah?

Xeerka aasaasiga ahi waxaa weeye inaad iska ilaaliso dhiiga, manida (cum) ama qoyaanka ferjiga ee qofka aad isu galmooneysaan inuu galo jirkaaga.

Siyaalo aad u ilaalin kartid naftaada iyo kuwa kaleba:

• U isticmaal kondhomka iyo saliida biyaha leh si sax ah dhammaan dadka aad isu galmooneysaan.
• Isticmaal galmada aan dhabta ahayn’ sida shuminta, isu siigeynta iyo taabashada, salaaxida, jirka isasaarida, masaxida iyo u masaajeynta kacsiga leh.

• U galmood oo keliyga wehelkaaga joogtada ah. Galmada aan difaaca lahayn ee wehelka caadiga ah waxay ammaan noqoneysaa oo keliya haddii labadiinaba laydin baaro oo aad ka madaxbanaantihiin dhammaan infekshinada laysqaadsiiyo STIs iyo in labadiina midkiina uusan u galmoon cid kale.

Waa maxay infekshinka galmada laysugu gudbiyo (STI)?

STI waa jiro ama infekshin luu ku faafin karo qofba qofka kale marka laysu galmoodo. Qaar ka mid ah STIs waxaa ku jira:

Feryraska unugyada taranka, fiixda unugyada taranka, chlamydia, jabtada, injirta, HIV/AIDS, trichomonas, isfiilatada, xannuunka beerka nooca B.

STIs waxay dhalin karaan dhibaatooyin fara badan iyagoo ka bilowda cuncun yar ilaa jiro khatar ah oo ku yeelata waxyeelo dheeraada caafimaadka, haddii aan la daaweyn, qaar ka mid ah STIs waxay dhalin karaan ma dhaleysnimo ama xitaa dhimasho.

Ma garan karaa haddii wehelkaygu leeyahay STI?

Ma sheegi kartid haddii qofka aad isu galmootaan uu leeyahay STI. Dadku waxay u muuqan karaan sidii wax caafimaad qaba lakiin weli way qabi karaan. Waxaa laga yaabaa inuusan qofku xitaa ogeyn inay qabaan STI.

Waxaad khatar ugu jirtaa inaad ka qaado STI wehelkasta qofkii sameeyey ama sameeya galmo aan ammaan ahayn qof kale.
Kala bixidu ma ammaanbaa?

Maya. Kala bixidu (kala bixida ka hor intaan manidu ka iman) ma aha ammaan sababtoo ah sababtoo ah qoyaanka galmada ayaa la siideyn karaa ka hor minada.

Galmada afku ma ammaanbaa?

Inkastoo galmada afka ay khatarteedu hooseyso xagga faafinta HIV, waxaad ku qaadi kartaa cudduro kale sidan, sida feyrasyo. Chlamydia iyo jabtada.

Waa inaad isticmaashaa wax kaa difaaca, ama iska ilaali inaad shahwo baxdo afka, marka:

• Labada qof midkood qabo boog calooleed ama ciridka oo dhiigaya: ama

• ay hadda caddaydeen ama ay dunta ilkaha isticmaaleen.
Waa maxay sababta aan u isticmaalayo konddhomska?

Kondhomisku waa difaaca wax ku ool ah oo kaa celinaya STIs badidooda, oo ay ku jiraan HIV, iyo iyagoo badanaa loo isticmaalo si ay uga hortagaan uurowga.

Qaar ka mid ah STIs sida feyraska, fiixda unugyada taranka iyo injirta, waxaa laga yaabaa in weli la faafiyo xitaa haddii la isticmaalo kondhom.

Sidee baan ugu isticmaalaa kondhomiska si sax ah?
Had iyo jeer:

• kukaydi kondhomiska meel yara qabow oo qalalan kana fog iftiinka qoraxda ee tooska ah.

• Isticmaal oo keliya condhomiska taariikhda dhicitaankooda horteed.
• U fur baakada si taxadar leh, oo iftiin fiican leh, si aadan u jeexin kondhomka, kuna furfur ilaa dhammaandka guska.

• Isticmaal saliid biyo badan leh.

Galmada aan lahayn saliid waxaa laga yaabaa inay jeexdo kondhomka. Ha isticmaalin kondhomiska leh saliida sida jeliga batrooka ama saliida ilmaha, oo debcineysa kondhomka.

• Hubi inaad kala soo baxdo guska intaadan lumin kacsanaanta, si uusan u dhicin kondhomko. Hay salka kondhomka markaad kala baxayso si aysan u dhixin in wax ka daataan.

• Dib ha u isticmaalin kondhomyada. ku rid sanduuqa qashinka.
Maxaa kale oo ilaalin ah oo la heli karaa?

Kondhomyada dumarka ayaa sidoo kale la heli karaa waana in lala isticmaalaa saliid. Way ka qaalisan yihiin aadna looma helo, laakiin dadka isqaba qaarkood waxay jecel yihiin inay isticmaalaan.

Ma la sameyn karaa galmo ammaan ah wehelkayga qaba STI, oo ay ku jirto HIV?

Haddii wehelkaagu qabo STI oo ay ku jirto HIV, waxaad u baahan tahay inaad isticmaasho hababka galmada ammaanka ah ee lagu dul maray waraaqdan yar si loo yareeyo khatarta aad ku qaadi karto. Waa inaad sidoo kale ka raadisaa tallo dhakhtarkaaga oo aad kala hadashaa whelkaaga galmada ammaanka ah.



Galmada xalaasha

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Galmada ammaanka ah Ee aan Cudur dhan arkeenin (Sir Muhiim ah)
Posted by:galmada Net
Published :2016-07-18T04:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Galmada ammaanka ah Ee aan Cudur dhan arkeenin (Sir Muhiim ah)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:00 AM and have 0 comments