Donald Trump oo u jawaabay eedeeymaha aabbaha askari Muslim American ah ..

Donald Trump oo u jawaabay eedeeymaha aabbaha askari Muslim American ah ..


ADVERTISEMENTS
Donald Trump oo ka jawaabaya eedeeymaha aabbaha askari Muslim American ah oo lagu dilay Ciraaq kuna eedeeyay billionaireka inuusan waxba u hurin dalka ayaa sheegay in uu sameeyey ama huray waxyaabo badan, sida shaqaalaynta kumanaan qof

Khizr Khan – oo wiilkiisa Humayun lagu dilay dagaaladii ciraaq- ayaa ku eedeeyay musharaxa la magacaabay ee Jamhuuriga inuu ku xadgudbay Muslimiinta Mareykanka. "Orod oo aad soo eeg qabuuriha waddaniyiinta geesiga ee dhintay iyagoo difaacaya dalkooda America," ayuu yiri Khan, isaga oo si toos ah ula hadlaya Trump. "Waxaad arki doontaa dhammaan diimaha, jinsi iyo qowmiyado ,waxaad hurtay iyo cid aad wax u tartay ma jiraan "
Trump, ayaa ku margaday jawaabta isagoo, meesha ka saaray erayada Khan wareysi uu Sabtidii la laha warbaahinta ABC News, isagoo beeniyey in uu waxmatare yahay "Wax badane uu soo huray " Waxaan noolasheyda u shaqeeyay si adag. Waxaan abuuray kumanaan iyo kumanaan shaqooyin, waxaan, dhisay dhismooyin waa weyn. Waxaan gaaray guulo waa wayn. Waxaan qabaa inaan sameeyay wax badan," ayuu 70-sanoj irka odayga yidhi.

Humayun Khan ayaa lagu dilay ismiidaamin dalka Ciraaq isago u dhawaaday baabuur ka buuxeen walxaha qarxa. Ka hor inta uu galin ciidanka, wuxuu qorshaystay inuu sharciga ka barato jaamacad.

Trump ayaa hadalada laga haya waxa ka mid ah in la mamnuuco Muslimiinta soo galaan Maraykanka.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Donald Trump oo u jawaabay eedeeymaha aabbaha askari Muslim American ah ..
Posted by:galmada Net
Published :2016-07-31T21:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Donald Trump oo u jawaabay eedeeymaha aabbaha askari Muslim American ah ..



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 9:30 PM and have 0 comments