Dil Sharafeedka Haweenka oo Kor u kacay Bakistaan

Dil Sharafeedka Haweenka oo Kor u kacay Bakistaan


ADVERTISEMENTS
Ugu dhawaan  1,100 haween ah ayaa ehelkoodu ugu dileen Bakistaan waxa loogu yeedho dil sharafeed iyaga oo aaminsan in ay sharaf rideen qoysaskooda.

Sida ay  sheegtay komishanka madaxabannaan ee xuquuqalinsaanka Bakistaan sannadka waxa aad kor ugu kacey dilalka loogu yeedho dil sharafeedka ee inta badan ehelkoodu u geysto haweenka.

Warbixin sannadle ah oo komishanku soo saarey ayaa waxa uu ku sheegay in ka badan 900 oo hawwn ahi la kulmeen tacadiyo galmo xad gudub ah, islamarkaana 800 oo kale ay isku dayeen inay is dilaan amaba ay naftooda saheydeenba.

Sannadkii  2014 ilaa  1,000 haween ah ayaa lagu diley weeraro la xidhiidha dil sharafeedka waxa loogu yeedho iyaga oo qoysaskoodu u arkey in ay sharaf dileen magacoodii, halka laoogu geystay dil sharafeed  869 haween ah sannadkii  2013.

Waxa intaa dheer oo la sheegayaa kiisas badan oo noocan ah oo aan la soo werin in ay ka dhaceen Bakistaan.

Ra’iisulwasaare  Nawaz Sharif ayaa sheegay in aanu islaamka mel ku laheyn dilka magaca qoyska lagu sharfayaa.

Warbixinti waxa ay intaa ku dartay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee sababay dilalakii dhacay 2015 ay ahaayeen muranno gudaha qoysaska ah iyada oo la sheego xidhiidho aaan sharci aheyn iyo  xorriyada doorasho ee  guurka.

Waxa ka mid ah kiisaska ugu cadcad ee la soo weriyay nin toogasho ku diley laba hablood oo uu dhaley isaga oo aaminsan in ay sameeyeen dhaqanxumo iyo sida kale saddex balood oo dhoorey ah oo uu diley ina adeerkooda isaga oo ku eedeeyay in ay magac dileen qoyskoodii.

Warbixintu waxa ay intaa raacisey in ay sida oo kale ka mid ahaayeen dadka ku baxay dil sharafeedka 88 nin sannadkii hore



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Dil Sharafeedka Haweenka oo Kor u kacay Bakistaan
Posted by:galmada Net
Published :2016-07-16T03:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Dil Sharafeedka Haweenka oo Kor u kacay Bakistaan



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:00 AM and have 0 comments