Bisha Ramadaan iyo kacsiga

Bisha Ramadaan iyo kacsiga


ADVERTISEMENTS
Soonka sida loogu talagalay waa inuu yareeyaa qooq raga iyo haweenka, laakin waxaad arkaysaa dad badan oo ka cabanaya bisha ramadaan kacsi daran oo ayna arkin bilaha kale, waxaa jira sir oo hadda aan kuu sheegayo, soonka marka uu kacsiga yaraynayo waa marka uu yahay mid la garanayay cuntada in wax yar la cuno soon dhab ah, laakin hadda samankan dadka soomaya waxay aad wax u cunaan bisha ramadaan, waxay u canaan cunto aysan waligooda cuni jirin, dadka soomaaliyeed markaan ka hadlo, waxay cunaan sambuus oo laga sameeyay hilib iyo baradha iyo basal waxay cunaan hilib iyo macmacaan habitaan kala duwan waxaas oo dhan waxay siyaadiyaan nafaqada jira, qofka wuxuu cunaa ilaa uu caloosha ka taago, marka uu taraawiix soo tukado wuxuu cunaa casho baasto ama bariis caano ayuu cabayaa, waxaa la gaarayaa hiraabashada saxuurta makaas wuxuu cunayaa soor iyo maraq hilib ama oodkac iyo caano mac, markaas wuxuu ku leeyahay soonka kacsiga ayuu ii siyaadiyay, tolow nin sidaan u cunaya cuntada bisha ramadaan sidee buu u yarayn karaa kacsiga uu dareemayo, balse waxaa dhab ah inuu si daran u kardhiyo, dadka carabta waxay cunaan wax ka sii daran cuntada soomaalida ay cunaan waxay cunaan macmacaan oo badan oo aan la soo koobi karin qudaar badan hilib ama kalluun ama digaag, bisha ramadaan cuntada qaali ayay noqotaa maal kasta sif ayaa loogu jiraa cuntada iibsigeeda, marka waxaad ogaataa soonka dhabta ah waa in cuntada layska yareeyo, ee ma aha in si daran loo cuno bisha barkaysan.

haddii aad rabto inaad soonto soonka la yaqaano cuntada iska yareey, ha u cunin cuntada si waali ah, waxaad ka cuntaa wixii aad awood kaga heli kartid, xitaa haddii dadka ay u cuni lahaayeen cuntada sida bilaha kale oo kale way fiicanaan lahayd.

Wax kasta waxay ku fiican yihiin dhexdhexaad haddii ay xadka ka baxaan lid ayay isu baddalaan



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Bisha Ramadaan iyo kacsiga
Posted by:galmada Net
Published :2016-07-03T01:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Bisha Ramadaan iyo kacsiga



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:30 AM and have 0 comments