3 Sababood oo dumarka jecleysiin kara xijaabka iyo asturida cowradooda: Talo Dumar

3 Sababood oo dumarka jecleysiin kara xijaabka iyo asturida cowradooda: Talo Dumar


ADVERTISEMENTS
Qoraalkan ayaa ka hadlaya qiimaha iyo wanaaga ay leedahay gabadha muslimada ah ee jirkeeda daboosha, kana dhowrsoon xumaha iyo fidneynta ragga, qoraalkani ayaa ku siinaya dhowr sababoob
oo kooban, taasoo kugu dhalin doonta in aad noloshaada wax badan ka bedesho, una dhega
nuglaatid awaamiirta allah swt hadii aad tahay gabar muslimad ah oo jecel allahii abuurtay.

Tusaalooyinka dhaxal galka ah ee qoraalkan ayaana
ah 3 qodob kuwaasoo kala ah:
1- Bal ka waran hadii lagu dhaho waxaa jirta shirkad laga shaqaaleysiinayo dumarka, waxeyna bixineysaa
mushahar ah 10 kun oo Dollar, balse shuruuda dumarka laga doonayo ayaa ah in ay xijaab xiran
yihiin.., waxaan shaki ku jirin in ay dhamaan dumarka ukala carari lahaayeen ayagoo xijaabka u
arki lahaa shuruud sahlan oo lacag badan lagu helayo.
Balse ka waran Janada rabbi swt uu u balan qaaday gabdhaha dhowrsoon ee jirkooda astura xumaantana ka fogaada, keebaa qaalisan 10 kun oo mushahar ah iyo Janno lagu tilmaamay wax aysan ishu arag, dhegtuna maqal, qalbi bini aadimna uusan sawiran karin….!
2-Sidoo kale ka waran hadii aad heysan laheyd Dheyman qaali ah oo aan si sahlan dunida looga heli
karin balse adiga si nasiib badna kugu soo galay, dadka horteeda miyaad la istaagi laheyd oo ma
waxaad dhihi laheyd dheymantaad ila arka, mise waad qarsan laheyd oo Bank-yada dunida ugu fiican
ayaad si qarsoodi ah heshiis ula geli laheyd si ay kugu keydiyaan.
Hadaba ma ogtahay in aad Dheymantaas ka qiima badan tahay oo ilaahey sharaf iyo karaamo dheyman
ka qaalisan ku siiyay hadii aad tahay gabar muslimad ah, sidaas darteed ku dadaal in aad rabbi ka
cabsato, sidoo kalena ka xishoo bini aadimka adigoo cowradaada iyo dheymantaada kuu gaarka ah qarinaya.
3- Ka soo qaad waxaad dooneysaa in aad ubax qurux badan soo iibsatid si aad ugu hadiyadeysid qof
aad jeceshahay, ma waxaad kasoo iibsaneysaa kuwa banaanka la fadhiya ubaxa ishiisu dhimatay ee
dabeyshu ku dhacday, mise waxaad aadi laheyd dukaan qarsoon oo ubaxa si gooni ah u daryeela
meelo qorsona ku keydiya si dadka oo dhami aysan faraha ugu taabanin..?
Hadaba waa in aad ogaataa in aad gabar yahay muslimada ahi la mid tahay ubaxaas la daryeelayo ee
laga ilaaliyay faraha badan iyo dabeysha, taasina waxey la mid tahay adigoo is astura oo indha ragga
ka qariya cowradaada dahabiga ah iyo quruxdaada qarsoon..!



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: 3 Sababood oo dumarka jecleysiin kara xijaabka iyo asturida cowradooda: Talo Dumar
Posted by:galmada Net
Published :2016-07-26T04:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
3 Sababood oo dumarka jecleysiin kara xijaabka iyo asturida cowradooda: Talo Dumar



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:30 AM and have 0 comments