Wasiir Hadliye: Dadkayaga Qaxootiga ah ee Kenya waan rabnaa inay Somaliya ku soo noqdaan.

Wasiir Hadliye: Dadkayaga Qaxootiga ah ee Kenya waan rabnaa inay Somaliya ku soo noqdaan.


ADVERTISEMENTS
Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya ayaa sheegay inay doonayaan in dalka dib ay ugu soo laabtaan Kumanaanka Qaxootiga Somalida ah ee dalka Kenya ku nool.
C/salaam Cumar Hadliye wuxuu sheegay si sharafi ay ku jirto inay doonayaan in dalka dib ay ugu soo noqdaan Qaxootiga, isaga oo sheegay in markasta Dowladda Somaliya ahmiyad ay siinayso arintaasi.
Wasiir Hadliye ayaa tilmaamay labadii sano ee la soo dhaafay inay dalka dib ugu soo noqdeen 1,2000 (Boqol iyo Labaatan kun) oo Qaxooti Somali ah.
"Dadkayaga waan rabnaa inay Somaliya ku soo noqdaan waan rabnaa  1,2000 (Boqol iyo Labaatan kun) ayaa soo noqday labadii sano ee la soo dhaafay, iyagoo cidna weydiisan, laakiin waxaan rabnaa si xuquuqul Insaanka qaabilsan inay ku soo noqdaan si nabadgelyo leh, si ixtiraam leh, waana kala tashaneynaa Dowladda Kenya waxa ay inoo qabteen oo dhan, Heshiis ayaa jiro Heshiiskaasi ayaan ku soconaynaa Isbuuca dambana Kenya waan is arkeynaa waan ka wada hadleynaa." Ayuu yiri Wasiir Hadliye.
Hadalka Dowladda Somaliya ka soo baxay ayaa ku soo aadaya, iyadoo aysan jirin qorshe cad oo Xukuumadda ay ugu talo gashay dadka Qaxootiga ah ee dalka dib ugu soo noqonaya, deeganada ay degi lahaayeen iyo suggida ammaankooda.
Kenya waxa ay ku adkeysanaysaa inay Xerayso Dhamaadka Sanadkaan Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Wasiir Hadliye: Dadkayaga Qaxootiga ah ee Kenya waan rabnaa inay Somaliya ku soo noqdaan.
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-04T20:03:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Wasiir Hadliye: Dadkayaga Qaxootiga ah ee Kenya waan rabnaa inay Somaliya ku soo noqdaan.



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 8:03 PM and have 0 comments