TopNews:Filimka A Aa Ee Telugu Ah Oo Hal Todobaad Super Hit Ku Noqday!

TopNews:Filimka A Aa Ee Telugu Ah Oo Hal Todobaad Super Hit Ku Noqday!


ADVERTISEMENTS
Telugu Industry sanadkaan macaashkooda waa mid aad u sareeyo madaama filimadooda badanaa guulo wacan ka gaarayaan Koonfur Hindiya iyo suuqyada caalamka.

Filimka A Aa ayaa la xaqiijiyay inuu mudo todobaad ah ku noqday Super Hit sidoo kalena filimkan jeceylka ah fariintiisa bulshada aduunka siweyn kaga heshay.

Filimkaan fariinta wacan xambaarsan waxaa hogaamiye ka ah Nithin iyo Samantha Ruth Prabhu waxaa Director ka ah Trivikram Srinivas sidoo kalena S. Radha Krishna ayaa maal galiyay.

Filimka A Aa oo tiyaatarada la saaray 2 June 2016 ilaa haatan wuxuu sameeyay ganacsi aad loola dhacay weliba gudaha Hindiya iyo suuqyada caalamka si isku mid ah ayuu kaga gadmay.

Filimka A Aa kooxda cajaladaha qeybiyeen waxay ku iibsadeen aduun lacageed oo gaarayo 30.50 Crore isku dar ahaan gudaha Hindiya iyo suuqyada caalamka.

Arinka la yaabka badan ayaa ah in filimka A Aa todobaadkiisa isku darka gudaha Hindiya iyo suuqyada caalamka uu keenay 51.92 Crore.

Sidaa darteed kooxda filimkaan cajaladihiisa iibsadeen waxaa saami ahaan kusoo aaday 35.48 Crore taasi oo xaqiijisay inuu Super Hit yahay madaama hal todobaad 5 Crore lacago sare u dhaafayo looga faa’iiday.

Sidoo kale filimka A Aa Koonfur Hindiya oo kaliya wuxuu kasoo xareeyay todobaadkiisa kowaad 35.50 Crore ayadoo kooxda cajaladaha qeybiyeen ay ku qaataan filimkaan dhulkaas 25.10 Crore taasi oo ka dhigtay inay macaash fiican ka heleen.

Laakiin iskoorka ugu weyn filimka A Aa wuxuu ka dhigay Waqooyiga Ameerika madaama uu gudaha USA muso 10-maalmood ilaa haatan kasoo xareeyay aduun lacageed oo sare u dhaafayo $2M!

Waa hubaal in filimka A Aa ganacsigiisa sii socon doono darajo ahaana Blockbuster inuu gaari doono ayay u badan tahay hadii saamigiisa lacagaha ay gaaraan 49 Crore.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: TopNews:Filimka A Aa Ee Telugu Ah Oo Hal Todobaad Super Hit Ku Noqday!
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-23T04:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
TopNews:Filimka A Aa Ee Telugu Ah Oo Hal Todobaad Super Hit Ku Noqday!



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:00 AM and have 0 comments