Talo: Sida loola dagaallamo finanka

Talo: Sida loola dagaallamo finanka


ADVERTISEMENTS
finanka waxay dhaawici karaan kalsoonideena. Oo ma ahan mid quseysa bilic sanaan teena oo kaliya, waxay calaamad u noqon kartaa xaalado caafimaad.

Waxaa hoos ku qoran sababaha qaar, iyo sida loo baabi’iyo finanka

Isku dheelitir hormoonada

Hormoonada oo aa isku dheeli tirnayn ayaa waxay sababaan finanka/furuuruca.

Waxaan ku hareeree san nahay kiimikooyin, sun, iyo wasakh badan oo khalkhal ku keeni kara hormoonadeena. Ka fogoo dufanka, sonkorta badan, waxyaabaha lagu daray ama ka sameysan caanaha, qaxwada. Isticmaal dufanka wanaagsan sida afagaadhada, lowska.

Awood u yeel aashitada caloosha

Aashitada caloosha oo yar waxaa lala xiriiriyaa finanka. Hadii ay aashitadu yar tahay, si fiican uma burburin karto cunnada, sidaa darteed jirkaagu ma heli karo nafaqada uu u baahan yahay. Cab biyo lagu daray liin dhanaan ama khalka tufaaxa.

Hormari bakteeriyada fiican ee ku jirta dheef shiidka

Isku dheeli tirnaanta bakteeriyada fiican hadii ay meesha ka baxdo waxay horseedi kartaa caabuq raaga iyo finan. Hadii aad tahay dadka isticmaala kaniiniga qalajiyaha, ogoo wuxuu dilaa bakteeriyada fiican iyo tan xunba.

Shiid qudaarta iyo miraha

Fiitamiinada iyo macdanada ku jira khudaarta cagaaran iyo miraha sida tufaaxa iyo muuska, waa k wo caawin kara in maqaarka uu wanaag sanaado. Sida ugu dhaqsiyaha badan ee looga soo saari karo fitamiinada iyo macdanta waa in la shiido

Isticmaal dacar

Dacartu waxay leedahay dawo wanaagsan, waxay ka hortag taa caabuqa iyo saameynta bakteeriyada, sidoo kale waxay hormarineysaa dib usoo kabsashada maqaarka.

Dacarta kala jeex, oo mari wajiga walaxda jiijiid meysa ee ka imaneysa meesha adka kala jeexda, ama soo iibso jelka ka sameysan dacar boqolkiiba boqol, oo mari meesha maqaar ee finanka leh ama guduudatay.

Biyaha lagu daran liin dhanaan

Biyaha lagu daran liinta waxay u fiican yihiin baaba’inta summadda finanka, si doo kale waxaa ku jira fitamin C badan, kaas oo ka dhigaya maqaarka mid siman oo iftiimaya

Mari biyo lagu daray liin maqaarka xiliga fiidkii. Kadib dhaq 20 daqiiqo kadib adigoo isticmaalaya biyo diiran.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Talo: Sida loola dagaallamo finanka
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-25T22:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Talo: Sida loola dagaallamo finanka



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:30 PM and have 0 comments