Sudan oo Talyaaniga ku wareejisay nin Mukhalas ah oo dadka Tahriibin jiray..

Sudan oo Talyaaniga ku wareejisay nin Mukhalas ah oo dadka Tahriibin jiray..


ADVERTISEMENTS
Dowladda Sudan, ayaa Dowladda Talyaaniga waxa ay ku wareejisay ruux Mukhalas ah kaasi oo ka ganacsan jiray Tahriibinta dadka doonaya inay si sharcidaro ah ku galaan dalalka Yurub.
Ninkan ayaa lagu magacaabaa Medhanie Yedhego Mered waxaana lagu sheegay 30 jir kasoo jeeda dalka Eritereya.

Ninkan ayaa kamid ahaa ragga diyaarin jiray dadka loo tahriibiyo qaarada Yurub, baaritaankan caalamiga ah ayaa muddo dheer lagu raad joogay shabakada isku xiran ee ka ganacsada dadka u tahriibaya Yurub ee intooda badan ku dhinta bada.

Dowlada Sudan ayaa ninkan ku qabatay magaalada Khartuum dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ee May, waxaana Arbacadii shalay diyaarad khaas ah ka qaaday Khartuum isagoona la geeyey dalka Talyaaniga oo lagu soo taagi doono maxkamada.

Ciidamada Amniga Talyaaniga ee baaritaanka wada ayaa sheegay in wareysiyo la yeelan doonaan ninkan.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Sudan oo Talyaaniga ku wareejisay nin Mukhalas ah oo dadka Tahriibin jiray..
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-09T23:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Sudan oo Talyaaniga ku wareejisay nin Mukhalas ah oo dadka Tahriibin jiray..



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 11:00 PM and have 0 comments