SIR DUMAR :Gabdhaha Ninka Nuucaan ah waxay dhahaan Alla Kaas Muu I Guursado

SIR DUMAR :Gabdhaha Ninka Nuucaan ah waxay dhahaan Alla Kaas Muu I Guursado


ADVERTISEMENTS
Gabadh walba waxa ay ku  hamisaa sidii ay ku heli lahayd qof jaanis ah oo wanaag oo dhan kulansadey balse nasiib daro qof walbaa ma heli qofkii uu doonayay balse waxaa nasiib oo dhan ku dhamaadey gabadhii heshaa Ninka astaamahan leh.

1-Ninka caqliga u saaxiibka ah
Ninka markii uu yahay nin waayo arag ah caqli iyo maskax dagan leh gabadha la fahmi kara xaalad kasta, wax kasta si xikmadeesan ugu jawaaba, go’aanadiisa ey yihiin kuwa aan ku jirin degdeg siimo, xilkasnimo u dheertahay, dareemi kara xaalada gabadha xiliga ay faraxsantahay kuna abuuri kara farxad, fudeed uusan ku jirin ninka sifadaas iska leh gabdhaha aad ayee u jeceyl yihiin, gabdhaha ma jecli ninka fudeedka ku jiro waxaa u sawir maya hadii ay is guursadaan dulqaad la aantiisa in ay sababi karto furiin, dumarkana ma jeclo furiin.

2-Nin isku kal soon
Marka uu ninka isku kalsoon yahay uusaran ku tiirsaneen gacan kale, go’aanadiisa isaga ugaar yahay, markasta aaminsan in uu wax kasta qabsan karo baahi kasta ay jirto uusan hoos tagin dad kale, markastane aaminsan in noloshiisa uu meel marin karo, dadaal iyo wax qabad ka muuqda ninka sifadaan leh dumarka ma siidaayaan, ma jecla dumarka ninka ku tiirsan dad kale, markasta dumarka waa kuwa jecel nin wax qabad leh oo isku filan.

3-Nin wax curiya (hal abuuur ama keena fikir cusub)
Ruux kasta wax ma curiyo mana ahan (creative), ninka markii uu yahay nin creative markasta maskaxdiisa ka soo baxaan aragti iyo nashqad cusub dumarka ninka sifadaan leh aad ayee u jecel yihiin, qofka markii uu wax curiyo sida hees ama gabay ama uu yahay nin designer  ah(sida nashaqada gawaarada, teleefoonada, dhisada guryaha qaab cusub, barnaamij cusub abuurid wax cusub ku soo kor dhin bulshada )  magaciisa wuu meel maraa ilaa ay saxaafadaha soo qaataan, farxad waxaa ugu filan gabadha in ay aragto gacaliyaheeda oo magaciisa meel mara, dadkuna way is waydiiyaan waxay dhahaan way u dhacatay ninkaan gabadhii uu helo, sidoo kale gabadha ayaa ka hesha bulshada dhexdeeda qadarin

4-Nin roomaantic ah
Ninka markii uu yahay roomaantis uu hadal macaan yahay (ereyo mac mac ku dhaha gacalisadiisa) noloshiisa ku dabaqa jeceyl iyo raxmad, uu la imaado dabacsaaan, xaalad kasta tusa in gacalisadiisa uu u haayo dareen jaceyl markasta ay u tahay qofka 1aad, aad u qiimaya aadna u kool kooliya markastana siiya hadiyo dumarka ma siidaayaan ninka sifadaan oo kala leh, aad bay u jecel yihiin dumarka ninka romaantiga ah nolosha wax ka fahamsan.
Dhammaan sifooyinka aan  kor ku soo sheegnay Gabdhii heshaa nin nuucaas ah waxay dhisatay Guri Boqortooyo ee yaanay sii daayin ninkii nuucaan noqdana wanaag aduun isagaa heli doona.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: SIR DUMAR :Gabdhaha Ninka Nuucaan ah waxay dhahaan Alla Kaas Muu I Guursado
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-08T22:18:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
SIR DUMAR :Gabdhaha Ninka Nuucaan ah waxay dhahaan Alla Kaas Muu I Guursado



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:18 PM and have 0 comments