Shabaab oo sheegtay dagaalka Halgan in ka badan 40 Askari inay ku dileen..

Shabaab oo sheegtay dagaalka Halgan in ka badan 40 Askari inay ku dileen..


ADVERTISEMENTS
Iyadoo saaka aroortii dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab weerar abaabulan ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Itoobiya ee Degmada Halgan, ayaa Al Shabaab waxa ay sheeganayaan ciidamo badan oo Itoobiyaan ah inay halkaasi ku dileen.
War ka soo baxay Shabaabka ayaa lagu sheegay in Khasaaraha ugu badan ee ciidamada Itoobiya soo gaaray uu ka dhashay weerarka loo adeegsaday Ismiidaaminta oo ruux kaxeynaayay gaari uu ku galay Xarunta ciidamada Itoobiya ee Halgan.
Waxa ay sheegeen Shabaabka inay halkaasi ku dileen in ka badan 10 Askari oo ku nafwaayay weerarka Ismiidaaminta ah ee Irida lagu furtay.
Intaasi kadib ciidamada Shabaabka ayaa bilaabay rasaas toos ah oo ay ku beegsanayaan ciidamada ku jira gudaha Saldhiga, iyadoo Shabaabka ay sheegteen inay toogteen Askar badan oo Kenyatti ah.
Al Shabaab ayaa sheegtay saanad Millateri oo badan inay ka qaateen Saldhiga, islamarkaana aysan jirin gurmad ay heleen ciidamada Itoobiya ee halkaasi ay ku weerareen.
Xoogaga Shabaabka ayaa sidoo kale ku faanay in Askartooda ay toogasho kula dhaqaaqeen ciidamada Itoobiya ee gudaha Saldhiga ku jiray oo argagax weyn la kulmay.
Majirto warar ka madaxbanaan Shabaabka oo xaqiijinaya sheegashada ku aadan inay dileen in ka badan 40 Askari oo Itoobiyaan ah, hayeeshe dagaalkii saaka ay ku qaadeen Saldhiga Amisom ee Halgan ayaa u qaab ekaa dagaaladii ay Shabaabka ku qaadeen Ciidamada Amisom ee Janaale iyo Leego ay ku weerareen.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Shabaab oo sheegtay dagaalka Halgan in ka badan 40 Askari inay ku dileen..
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-09T22:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Shabaab oo sheegtay dagaalka Halgan in ka badan 40 Askari inay ku dileen..



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:00 PM and have 0 comments