Qiso Cajiib Ah Gabadhii Ninkeeda Daciifka Uu Ka Ahaa Dhanka Diinta Iyo Ficiladii Aay Sameysay!!

Qiso Cajiib Ah Gabadhii Ninkeeda Daciifka Uu Ka Ahaa Dhanka Diinta Iyo Ficiladii Aay Sameysay!!


ADVERTISEMENTS
Gabar saalixad ah Ayaa Ninkeeda daciif ku ahaa Dhanka Diinta, gaar ahaan Salaadda Iyo Soonka, gabadhu wey waani jirtay, hase yeeshee wuu ku Xanaaqin jiray markey waaniso, oo wuxuu oran jiray :-

Ma adigoo Dumar ah ayaad i waanineysaa Anigoo Rag ah?, dabadeed waxey u sheegtay Ehelkiisa, iyagana waxey ku yiraahdeen:-Naa ma adaa ka wakiil ah Aakhiradiisa, maxaa kaa galay? Adiga taada un ka bax, Soonkiisa Iyo Salaadiisa laguuma dirsanee.

Gabadhii talo ayaa ku Caddaatay, wax ay sameyso ayey garan weyday, waayo aad ayey u jecleed Ninkeeda, dabadeed waxey u aaday Nin Sheekh ah, markey u warantay ayuu ku yiri:-

1- Adiga ku dadaal adkeynta Diintaada.

2- Badi Ducada aad Rabbigaada u baryeysid inuu ilaaheey kuu soo Hanuuniyo.

3- kula kaftan markuu wax kaa dalbado, inaad Adigana ka dalbatid inuu kuu keeno Weysada Iyo Sijaayadda.

4- inta badan ku hor tuko markuu guriga joogo.



Haddaba, markey muddo ka soo wareegatay ayey ku tiri:- Weynu Dalxiis tageynaa Maxaad ka qabataa? wuxuu yiri:- Adiga noo door meel aynu aadno.

Gabadhii waxey tiri :- Cimrada ayeynu aadeynaa oo waxeynu soo baraneynaa Dhulkii Barakeysnaa

Haddaba, Fadligii iyo Dadaalkii gabadhaasi ilaaheey wuu la garab galay oo Ninkii wuxuu ku soo hanuunay Dariiqii toosnaa ee Xaqa ahaa.



Wabillaahi Towfiiq.

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Qiso Cajiib Ah Gabadhii Ninkeeda Daciifka Uu Ka Ahaa Dhanka Diinta Iyo Ficiladii Aay Sameysay!!
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-11T23:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Qiso Cajiib Ah Gabadhii Ninkeeda Daciifka Uu Ka Ahaa Dhanka Diinta Iyo Ficiladii Aay Sameysay!!



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 11:00 PM and have 0 comments