Qaxootigii ku sugnaa Puntland oo dib ugu laabanaya dalkoodii hooyo

Qaxootigii ku sugnaa Puntland oo dib ugu laabanaya dalkoodii hooyo


ADVERTISEMENTS
In ka badan 2,500 oo qof u badan Yemaniyiin ayaa dib ugu laabtay dalkoodii hooyo ee Yemen.

Dadkan ayaa markii hore ka soo caray dagaalkii ka dhacay dalkaasi sanadkii lasoo dhaafay.

Qoysaskan oo ka ambabaxay dekedda magaalada Bosaso ee Puntland-Soomaaliya ayaa qoys walba waxa ay doonida ku raaceen lacag dhan cadadkeeda 500 oo doolar.

Muddo ku siman hal sano ayey joogeen dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland, kuwaasi oo ka helay xasilooni iyo dareen ku dheehan walaaltinimo.

Qaxootigan ayaa dhammaantood lagu qaabilay xerada qaxootiga ay Puntland u astaysay oo ku yaal magaalooyinka Bosaaso iyo Qardho, inta badan dadkan ayaa kasoo qaxay magaalada Cadan oo ay dib ulla wareegtay dowlada Yemen, inkastoo ay san wali dhammaan colaada ka socota wadankaasi.

Deegaanada Puntaldn ayaa noqotay meesha ay usoo qaxeen inta badan qaxootiga Yemen ka yimid ayey weli ku sugan yihiin qoysas dalkaasi kasoo jeeda oo iyagu aan weli go’aansan inay dib ugu noqdaan dhulkii ay kasoo haajireen.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Qaxootigii ku sugnaa Puntland oo dib ugu laabanaya dalkoodii hooyo
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-02T15:59:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Qaxootigii ku sugnaa Puntland oo dib ugu laabanaya dalkoodii hooyo



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:59 PM and have 0 comments