Madaxweynaha Kenya: Kenya Nabad kuma naalooneyso, ilaa laga soo celiyo Nabadii iyo kala dambeyntii ka jirtay Somaliya..

Madaxweynaha Kenya: Kenya Nabad kuma naalooneyso, ilaa laga soo celiyo Nabadii iyo kala dambeyntii ka jirtay Somaliya..


ADVERTISEMENTS
Iyadoo dalka Somaliya muddo 25 sano qalalaase dhanka ammaanka ah uu ka taagan yahay, ayaa Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, wuxuu sheegay ammaanka dalka Kenya oo hagaaga inay ku xiran tahay Nabadda Somaliya.
Kenyatta ayaa sheegay Nabadda iyo Xasiloonida Somaliya inay muhiim u tahay dalka Kenya, islamarkaana ammaanka dalkaasi uu noqonaayo mid hagaagsan.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay Caalamka in ay gacan ka geystaan nabadeynta Somaliya oo ay colaado ragaadiyeen in ka badan 20 sanno.
“Kenya Nabad kuma naalooneyso, ilaa laga soo celiyo Nabadii iyo kala dambeyntii ka jirtay dalka Somaliya.” Sidaaasi ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.
Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in loo baahan yahay helida Dhaqaale badan oo lagu wiiqo Awooda Shabaabka Somaliya ka dagaalama.
Waxa kale uu sheegay ciidamada Xooga dalka Somaliya oo sare loo qaado tayadooda inay qayb ka qaadan karto nabadda Somaliya.
 “Waa in la helaa dhaqaalo badan, lana xoojiyaa awooda iyo tayada Ciidamada Xoogaga Dalka Somaliyeed si looga adkaado Al Shabaab.” sidaasi ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Al Shabaab ayaa falal lidi ku ah dhanka ammaanka waxa ay ka geystaan dalka Kenya, oo Somaliya jaar ah la’ah.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Madaxweynaha Kenya: Kenya Nabad kuma naalooneyso, ilaa laga soo celiyo Nabadii iyo kala dambeyntii ka jirtay Somaliya..
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-06T02:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Madaxweynaha Kenya: Kenya Nabad kuma naalooneyso, ilaa laga soo celiyo Nabadii iyo kala dambeyntii ka jirtay Somaliya..



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:30 AM and have 0 comments