Dowladda Turkiga oo bil kasta Dowladda Somaliya siinaysa lacag dhan laba milyan oo dollar..

Dowladda Turkiga oo bil kasta Dowladda Somaliya siinaysa lacag dhan laba milyan oo dollar..


ADVERTISEMENTS
Golaha Wasiirada dalka Turkiga ayaa meel mariyay lacag deeq ah oo bil waliba la siinaayo Dowladda Federalka Somaliya, kadib markii lacagtaan la horgeeyay Golaha Xukuumadda dalkaasi.
Sida ay qortay Wakaalada Wararka Anadolu ee dalka Turkiga Golaha Xukuumadda ayaa la horkeenay dhaqaalahan waxaana ay isku raaceen in la meel mariyo.

Bil kasta Dowladda Federalka Somaliya ayaa waxaa la siinayaa $2 Milyan oo doolar, waxaana lagu kaabayaa Hay’adaha kala duwan ee Dowladda si sare loogu qaado Miisaaniyada Dowladda.
Marka ugu horeysa Dowladda Somaliya waxaa lagu wareejin doonaa lacag dhan $ 6Milyan, halka kadibna qorshaha uu noqon doono in bil kasta la siiyo Dowladda $2 Milyan.

Lacagta guud ee sanadkii ay halayso Dowladda Somaliya ayaa gaaraysa $24 Milyan oo doolar oo Deeq ahaan Turkiga Somaliya u siin doono.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Dowladda Turkiga oo bil kasta Dowladda Somaliya siinaysa lacag dhan laba milyan oo dollar..
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-01T06:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Dowladda Turkiga oo bil kasta Dowladda Somaliya siinaysa lacag dhan laba milyan oo dollar..



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 6:30 AM and have 0 comments