Denmark oo aad u yaraynaysa lacagta la siiyo Qaxootiga

Denmark oo aad u yaraynaysa lacagta la siiyo Qaxootiga


ADVERTISEMENTS
Denmark oo aad u yaraynaysa lacagta la siiyo Qaxootiga

Dowlada cusub ee Denmark ayaa shaqadeeda ugu horeysay waxay ku bilowday in ay nolosha ku adkayso qaxootiga, iyagoo lacagtii kaalmada ahayd ee la siin jiray dadka magangalyo doonka ah kala bar dhimay. Ujeedada lacagta loo dhimay ayay wasiirka arimaha isdhexgalka ku sheegtay mid lagu doonayo in qaxootiga ay doortaan wadamo kale oo aysan imaan Denmark.
inger-denmark


Dadka magangalyo doonka ah ayaa hada la siiyaaa 10,849 kr bishii, iyadoo ay dowlada cusub lacagtaasi ka dhigayso 5,945 kr. 

Intaas ayaa waxaa dheer 1500kr oo la siinayo qofka baasa imtixaanka luuqada Danishka. Wasiirka isdhexgalka Inger Støjberg ayaa warbaahinta u sheegtay in qaxootigu aysan xaq u lahayn in la siiyo ka badan lacagta ay qaataan ardada reer Denmark. Waxay intaasi ku dartay in ay samaynayso wax kasta oo lagu yareyn karo tirada soo galootiga ee wadanka imaanaya.


Dowlada cusub ee Denmark ayaa u muuqata mid aad uga soo horjeeda soo galootiga. 

Xitaa waxaa gudoomiyaha baarlamaanka wadankaasi loo doortay haweenayda lagu magacaabo Pia Kjærsgaard oo horay u hogaamin  jirtay xisbiga cunsuriga ah ee Danish Folk Party.




ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Denmark oo aad u yaraynaysa lacagta la siiyo Qaxootiga
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-21T05:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Denmark oo aad u yaraynaysa lacagta la siiyo Qaxootiga



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 5:00 AM and have 0 comments