XOG: Tirada xubnaha Beesha Daarood ka heleyso Aqalka Sare (Akhriso)

XOG: Tirada xubnaha Beesha Daarood ka heleyso Aqalka Sare (Akhriso)


ADVERTISEMENTS
Qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhismaha aqalka sare ee Baarlamaanka oo lagu saleeyay maamul goboleedyada dalka ka jira iyo min 3 xubnood oo loo kordhiyay maamulada Somaliland iyo Puntland.

Hadaba waxan helnay qaabka uu Aqalkaasi u ekaan doono kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Xeer Madaxweyne ku ansixiyay heshiiska Doorashada oo Gobolka Banaadir ka reebaya inuu xubno ku yeesho Aqalkan ku cusub Soomaaliya.

Beesha Daarood waxay Aqalka sare ee Baarlamaanka cusub 2016 ayaa ka heleysaa xubnaha soo socda:

Maamulada Xubnaha
Puntland 11
Jubbaland 6
Galmudug 2
Wadarta 19

Tani waxay ka dhigan tahay in Beesha Daarood ay 35% iyadu yeelan doonto xubnaha guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kaliya ay u baahan tahay isbaheysi hal beel ay la gasho si ay ula wareegto talada iyo jiheynta Aqalkaasi.
Guud ahaa tirada Aqalka sare waa 54 xubnood, waxaana loo qeybiyay sida soo socota:

Maamulada Tirada xubnaha
Somaliland 11
Puntland 11
Galmudug 8
Shabeele/Hiiraan 8
Banaadir 0
K/Galbeed 8
Jubbaland 8
Wadarta 54



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: XOG: Tirada xubnaha Beesha Daarood ka heleyso Aqalka Sare (Akhriso)
Posted by:galmada Net
Published :2016-05-23T22:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
XOG: Tirada xubnaha Beesha Daarood ka heleyso Aqalka Sare (Akhriso)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:00 PM and have 0 comments