Xog Culus: Puntland & Jubbaland oo ay ka dhax tafatay + Sababta

Xog Culus: Puntland & Jubbaland oo ay ka dhax tafatay + Sababta


ADVERTISEMENTS
Maamulka Puntland ayaa ka cadhooday qaabka uu u soo dhisay Maamulkiisa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo Dhawaan soo saaray Golaha Wasiirada maamulkiisa oo ka kooban 17 Wasiir iyo Wasiiro ku-xigeeno.
Maamulka Puntland ayaa ku eedeyey in Axmed Madoobe  in uu qadiyey Beesha Majeerteen oo Golihiisi wasiirada ka wadadhigay Beesha uu ka soo jeedo ee Ogaaden iyo waliba Beesha Mareexan.
Inkasta oo Maamuulada Puntland iyo Jubaland ay isxulafaystaan isla markana Haybta Guud sheegtan in ay yihiin Darood, ayaa hadana waxa Imika muuqata in uu khilaaf maamuul uu dhex yimid, iyada Beesha Majeerten sheeganaayso in aanay cidi kaga badnayn Kismaayo
Golaha Wasiirada Axmed Madoobe soo saaray ayaa sida ka muuqata  Qabiilada ay ka soo jeedan waxa uu tirro badna siiyey Beelaha Ogaaden iyo Mareexan, waakuwan Magacayda  iyo qabiilooyinka ay ka soo jeedan Golaha wasiirada Maamulkaasi. 1.Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud – Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare (Beesha Ogaadeen, Cowlyahan).
1-Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud – Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare (Beesha Ogaadeen, Cowlyahan).
2-Cabdirashiid Jire Qalinle – Wasiirka Maaliyada (Beesha Ogaadeen, Cowlyahan).
3-Shukri Wayrax Kaariye – Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta. (Beesha Ogaadeen, Reer Cabdille)
4-Geelle Muxumed Aadan – Wasiirka Beeraha (Beesha Absame, Bartire).
5-Maxamed Yuusuf Cumar – Wasaarada Macdanta iyo Tamarta (Beesha Mareexaan).
6-Aadan Ibraahim Aw-Xirsi – Wasiirka Caddaalada Dastuurka iyo Arimaha Diinta (Beesha Mareexaan, Reer Diini).
7-Cabdirashiid Xasan Nuur – Wasiirka Amniga (Beesha Mareexaan, Reer Axmed).
8-Maxamed Maxamuud Yusuf – Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga (Beesha Mareexaan, Celi)
9-Maxamed Nuur Buule – Wasiirka Xanaanada Xoolaha (Beesha Mareexaan, Talxe).
10-General Maxamed Warsame Faarax Darwiish- Wasaarada Arimah gudaha (Beesha Harti, Majeerteen).
11-Suldaan Jaamac Fariid Saleebaan – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha (Beesha Harti,Dhulbahante)
12-Cali Xaaji Nuur Cali – Wasaarada Caafimaadka (Beesha Digil iyo Mirifle, Leesaan).
13-Axmed Cabdi Xaafid Maxamed – Wasiirka Deegaanka iyo Dalxiiska. (Beesha Digil iyo Mirifle, Dabare).
14-Cismaan Xuseen Xaaji – Wasaarada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah (Beesha Jareerweyne)
15-Cabdinuur Cali Aadan – Wasiirka Warfaafinta Tignoolajiyada iyo Isgaadhsiinta (Beesha Hawiye, Gaaljecel).
16-Ibraahim Xasan Cabdi – Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda (Beesha Dir, Dir ,Biyomaal).
17-Maxamed Cabdi Maxamed – Wasiirka Gaadiidka (Beesha Cowrmale).



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Xog Culus: Puntland & Jubbaland oo ay ka dhax tafatay + Sababta
Posted by:galmada Net
Published :2016-05-23T05:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Xog Culus: Puntland & Jubbaland oo ay ka dhax tafatay + Sababta



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 5:30 AM and have 0 comments