Xisbullaah oo dilkii hogaamiyahooda Suuriya ka hadashay

Xisbullaah oo dilkii hogaamiyahooda Suuriya ka hadashay


ADVERTISEMENTS
Kooxda hubaysan ee Xisbullaah ee dalka Lubnaan ayaa sheegaysa in kooxaha xagjirka ah ee Sunniyiinta ay mas’uul ka yihiin dilka Jimicihii loo gaystay hogaamiyihii ugu sarreeyay kooxdaasi gudaha waddanka Suuriya, Mustafa Badrudiin.
Mustafa Badrudiin ayaa waxa uu tobanaan sano Xisbullaah u ahaa xubin muhiim ah, isagoo isticmaalay dhowr isbahaysi.
Mustafa Badrudiin ayaa la rumaysan yahay inuu mas’uul ka ahaa dhammaan howlgallada milateri ee Xisbullaah uu ka fuliyay gudaha waddanka Suuriya tan iyo 2011.
Kooxdan Shiicada ah ayaa waxa ay kumannaan ciidama ah u dirtay dalkaasi si ay u taageeraan Madaxweyne Bashaar Al-Assad.
Maleeshiyaadka Xisbullaah ayaa la dagaalama dhowr kooxood oo fallaaga ah oo ka soo horjeeda maamulka Madaxweyne Assad, kuwaasi oo ay ka mid yihiin kooxda loo yaqaan Dowladda Islaamiga ah iyo jabhadda Al-Nusra.
Bayaanka ka soo baxay kooxda Xisbullaah ayaanan lagu magacaabin koox gaar ah oo ka dambeysa weerrarka, hasayeeshee waxaa lagu tilmaamay waxa ay ugu yeertay kooxaha Takfiiriga – ama Sunniyiinta Xagjirka ah – ay ka dambeeyeen qaraxa ay kooxdu leedahay waxaa lagu bartilmaameedsaday saldhig uu Xisbullaah ku leeyahay meel u dhaw gagida diyaaradaha ee magaalada Dimishiq, weerrarkaasi oo lagu dilay Mustafa Badrudiin.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Xisbullaah oo dilkii hogaamiyahooda Suuriya ka hadashay
Posted by:galmada Net
Published :2016-05-16T03:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Xisbullaah oo dilkii hogaamiyahooda Suuriya ka hadashay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:30 AM and have 0 comments