Waa Maxay Rajabeeto, mala adeegsan karaa xiliga Uurka & Dhibaatada ay leedahay ?

Waa Maxay Rajabeeto, mala adeegsan karaa xiliga Uurka & Dhibaatada ay leedahay ?


ADVERTISEMENTS
Inta badan Haweenka ku nool dunidan waxay ku fakaraan iney u baahan yihiin xerashada Rajabeetada, Laakiin Miyeey u baahan yihiin ? maxayse tahay faa’idada laga helo xerashada rajabeetada?
Inkastoo aysan wax qalad ah ku jirin in la xerto ama ay iska daayaan rajabeetada ayaa haddana waxaa jiro arimo muhiim ay tahay in laga taxadaro ka hor inta aan go’aan la qaadan.
Naasaha buurbuuran, Qanjirada leh, Unugyo iyo kuwa dheecaanada wada ayaa inta badan lagu taageeraa in lagu daboolo maqaarkooda Rajabeetada.
Maxay tahay ujeedada Rajabeetada ?
Ujeedada weyn ee xerishada Rajabeetada waa in la marsiiyaa garbaha iyo goobta xirishada, marka rajabeetada 80 % ay culees tahay waxay keeneysaa madax xanuun, garbo xanuun iyo qoorta oo ku xanuuntaa.
Haweenka iyo gabdhaha siyaabooyin kala duwan ayay ku qasba iney xirtaan Rajabeetada, waxaana kuwa hoose lagu qiyaasay iney tahay sababta
1 Iney ku qariyaan Ibta Naaska oo kaliya, sida cadaanka ay sameeyaan.
2 In looga hortago koroonshaha Naasaha, iyo ka fogaanshaha xanuun iyo qanaaco.
  • Muuqaal ahaan mid wanaagsan
  • In looga hortago cudurada qaar
  • In la isaga ilaaliyo hoos u dhaca naashaha
  • In lagu hayo quruxda haweenka
  • Ka hortaga dhabarka oo xanuuna.
  • In lagu muujiyo heybada naasaha dumarka
Maxaa dhacaya haddii aadan xeran Rajabeetada ?
Rajabeeto
Haddii aadan xerin Rajabeetada ma ahan wax xun, haweenka qaarkood ma xirtaan rajabeeto marka ay joogaan gurigooda, laakiin haddii aadan ku xiran goobaha dadweynaha ku badan yihiin waxyaabaha soo socdo ayaa dhici kara.
  • Waxaa si joogta u dhaqdhaqaaqaya markaad socoto garbahaada, Naasaha iyo xabadka.
  • Dhididka xabadka ayaa hoos u dhacaya.
  • Waxaad noqoneysaa qof aan ku qanacsaneyn dhaqdhaqaaqa xabadkaada, kaasi oo saameyn kugu yeelan karta dareen ahaan.
  • Waxaad dareemeysaa in dadka kale og yihiin heerka Naasahaada, waadna ka duwan tahay qanaacada aad ku jirto markey kuu xirnaayeen.
  • Waxaad mararka qaar dareenkaa xanuun dhanka xabadka ah.
  • Marka aad socoto waxay ku dhacaan xabadka
Goorma ayaad bilowday xerashada Rajabeetada ?
Inta badan dumarka ku nool wadamada reer Galbeedka waxay bilaabaan xerashada rajabeetada marka ay jiraan da’da 10 ilaa 11. Halka qaarkoodna ay ku bilaabaan da’da 8 sano jir iyaga oo ah halka kuwa kalana ay ku bilaabaan da’da 15 sano.
Miyay lama huraan tahay in Rajabeetada in la xirto marka uurka la leeyahay ?
Marka la xirinaayo rajabeetada marka uurka la leeyahay ma ahan mid waxyeelo keenta, mana ahan mid qasab ah in la xirtaa, laakiin waxaa jiro sababo aan badneyn oo ku qasbaya haweenka iney xirtaan.
  1. Waxaa koraya xidida naasaha iyo dareenka marka uurka lagu jiro waxayna dareemo qanaaco la’aan.
  2. Way weynaadaan, cuslaadaan haddana dheeraadaan sabab la xiriirta dhanka caanaha ee soo galaya naasaha.
  3. Waxay keeni karaan Xanuun haddii aan la xirin
La soco qeybaha kale ee Rajabeetada



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Waa Maxay Rajabeeto, mala adeegsan karaa xiliga Uurka & Dhibaatada ay leedahay ?
Posted by:galmada Net
Published :2016-05-18T22:24:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Waa Maxay Rajabeeto, mala adeegsan karaa xiliga Uurka & Dhibaatada ay leedahay ?



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:24 PM and have 0 comments