Naftaada deji kuna kal soonoow inta aadan u galmoon lamaantada

Naftaada deji kuna kal soonoow inta aadan u galmoon lamaantada


ADVERTISEMENTS
Rag badan baa aaminsan in geedkoodu mar hadduu biyaha tuuro balaqna noqdo, aanu wax faa’iida ah u lahayn haweeneyda, kusii hayntiisuna aanay wax micne ah samaynaynin, isagoo mid kamid ah raggaasi uu ku doodo: (Oo maxay ku falaysaa geed balaq ah?), xaqiiqduse taa ka fog.
Raaxada dumarka iyo biyabbaxoodu kuma koobna oo qura rabitaanka cambarkooda, balse waxa ay ku raaxaystaan isku nabnaanta jirka iyo isdhexgalka iyaga iyo raggooda. Waxa weliba taa kasii ahmiyad badan dareenkooda jacayl iyo dhab ugu jirka raggooda oo ku dhaliya raaxo maskaxeed iyo mid rabitaan, gaarsiisa heer gariir iyo biyabbax.
Haddaba geedka oo intuu biyaha tuuro dabeeto damaa haweeneyda ugama dhigna inay galmadii dhammaatay, balse waa inuu kusii dhexjiraa gudaha cambarka siduu doono ha ahaadee intuu doonana halla ekaado eh, waana in haasaawihii, shumisinta iyo istiimintii halkii kasii socdaan ilaa ay biyabbax ka gaarayso, kolkaasi oo intay si xoog leh isugu nabto,
jirkeedu wada gariiro, daqiiqado dabeetana kala daadato, cambarkuna geedka dibadda isaga soo saaro, kolka oonku si fiican u daayana iga deg ku tiraahdo.

Ulajeeddada kale ee laga leeyahay isku sii dhexjirku waxa waaye iyada oo haweenka aanu kacsigu hal mar ka go’in, balse uu si tartiib tartiib ah uga soo jabo oo uga baaba’o.
Haddaba salaaxista, shumiska, istiiminta fudud, iyo ereyada macaan ee jacaylka iyo ammaanta isugu jira ee ninku ugu deeqo ooridiisu waxay si tartiib-tartiib ah uga soo dejiyaan buurtii uu saaray kacsigii ka dhashay hawshii dhammaatay, ilaa ay ku soo noqoto xaaladdii caadiga ahayd.
Dhuuqmadii iyo istiinkii xoogga badnaa xilligii galmadu, waxay isu rogayaan kuwo fudud oo saxansaxo leh aanna gaarsiisnayn heer ay mar kale kacsan karto. Isdhexgalkii xoogga ku dhisnaa waxa uu isu beddelayaa is-habsiin jilicsan oo keenta inay haweeneydu dareento in ninkeedu yahay gabbaadin aamin ah oo ay dhaxanta iyo dhibaatada ka gasho. Halkaasi kolkay arrini marayso ayay madaxeeda shafka ama garabka ka saarataa, jiif iyo nasashana ku gunaanaddaa hawshii cuslayd ee ay qabatay intii shaqada galmada lagu jiray.
Waxa laga yaabaa in hawshii dhammaatay ay reebtay xoogaa tamar darri iyo daal ah, waase kuwo raaxo u leh labada qof, iyagoo xubnaha jirkoodu ay u kala daadanayaan si gamaanyo (lulo) ku jirto. Daqiiqadaha ugu raaxada badan laba isqaba waa kolka ay nasasho iskula dul dhacaan hawsha galmada dabadeed, qof walibana isaga oo hurdaysan uu kan kale bogga kaga jiro lugahana ay is dhaafsanyihiin .



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Naftaada deji kuna kal soonoow inta aadan u galmoon lamaantada
Posted by:galmada Net
Published :2016-05-18T04:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Naftaada deji kuna kal soonoow inta aadan u galmoon lamaantada



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:30 AM and have 0 comments