Madaxweynaha Somaliya: Inta Shabaab jiraan Baasaboor Somaliga calaama Su'aal ayaa saarnaaneyso..

Madaxweynaha Somaliya: Inta Shabaab jiraan Baasaboor Somaliga calaama Su'aal ayaa saarnaaneyso..


ADVERTISEMENTS
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Federalka Somaliya ayaa tilmaamay Baasaboorka Somaliga inuu qabo dhibaato inta ay jiraan Ururka Al Shabaab.
Madaxweynaha wuxuu sheegay Shabaab inay xumeynayaan magaca Somaliyed iyo kan Baasaboorka intaba, marka ay dhibaatooyin dhanka amniga ka geystaan dalal ka tirsan kuwa caalamka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tusaale u soo qaatay Shabaab inay qarax dad badan ku dileen ay ka geysteen dalka Uganda, oo dad ciyaaro daawanaayay ay beegsadeen.
Madaxweynaha wxuu tilmaamay Somaliya inaan la necbeen, balse Shabaab la neceb yahay.
 “Baasaboorkeena dhibaato ayuu qabaa maanta ma’ahan viiso ayaa nalaga rabaa, hal sabab ayeey leedahay Shabaab waaye, Shabaab aan iska qabano Somali socda oo dhalinyaro ah kii Shabaabka ahaa miyaa mise waa mid kale dadkaas kale uu ka cabsado, Uganda waad og tahay 70 qof ayaa hal cawo ayaa ka dhintay iyagaa faraxsan oo Ciyaaro daawanaya oo qoslaya ayaa hal mar la qarxiyay inay muwaadiniintooda ka fekeraan xaq ayey u leeyihiin, sababtaasi ayaa nagu soo celisay, nalama necba wax kale oo bi’inay malahan ka dal ahaan nalooma necba.”Ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlaayay kulan su’aalo lagu weydiinaayay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale intaasi wuxuu hadalkiisa ku daray inta Shabaab ay jiraan in Baasaboorka Somaliga calaamad Su’aal ay saarnaanayso, isaga oo ku baaqay in loo wada jeesto dagaalka ka dhanka ah Shabaab.
“Nimankaan masiibada ah oo umadaan wax ay u reebayaan aaney jirin oo mid ay dilaan iyo mid fursadaha aduunka ay ka soo xiraan ka dhigaya meesha ay naga jirto dadaalka waa halkaasi Baasaboorka aqoonsi haloo raadiyo ma’ahanee, inta Shabaab nala xiriiro Baasaboorkeena Su’aal ayaa ku taagnaanaysa ee Shabaab haloo wada jeesto.”



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Madaxweynaha Somaliya: Inta Shabaab jiraan Baasaboor Somaliga calaama Su'aal ayaa saarnaaneyso..
Posted by:galmada Net
Published :2016-05-22T01:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Madaxweynaha Somaliya: Inta Shabaab jiraan Baasaboor Somaliga calaama Su'aal ayaa saarnaaneyso..



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:30 AM and have 0 comments