Madaxweynaha Kenya: Waxaa la jooggaa xilligii qaxootiga ay dib ugu laaban lahaayeen dalkooda hooyo ee Somaliya..

Madaxweynaha Kenya: Waxaa la jooggaa xilligii qaxootiga ay dib ugu laaban lahaayeen dalkooda hooyo ee Somaliya..


ADVERTISEMENTS
Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Kenya, ayaa wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay sidii ay dib ugu celin lahaayeen qaxootiga Somaliyeed, ee xilligan ku sugan xeryaha qaxootiga ee Degmada Dhadhaab.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in muddo 25 ka badan ay qaxootiga ku hayeen dalkooda, iyadoo uu hoosta ka xariiqay in la jooggo xilligii ay qaxootigu ku noqon lahaayeen dalkooda.

“In ka badan 25 sano anaga ayaa halkaan ku haynay dadka qaxootiga, waxaana la gaaray xilligii ay dib ugu laaban lahaayeen dalkooda hooyo ee Somaliya.” Ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

Madaxweynaha, ayaa yiri “Anagu waxaan markasta daneynaynaa dadka aanu deriska nahay, wax badan ayaan la qaban doonnaa, waa dal aan xigaal nahay, ganacsi ayaa inaga dhaxeeya. Arrimo badan oo xaqiijinta amniga uu ka mid yahay ayaa inaga dhaxeeya.”

Waxaa uu intaa ku daray “Laakiin suurtagal maaha in dadka qaxootiga ihi ay halkaan iska sii jooggaan, waxaan rabnaa si amni iyo caqliba uu ku jiro in ay dib dalkoodu ugu laabtaan.”

Madaxweynaha oo booqasho ku joogga Magaalada Garissa, ayaa Sabtidii ka sheegay in sida ugu macquulsan ay ku celin doonaan qaxootiga, sida uu yiri.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Madaxweynaha Kenya: Waxaa la jooggaa xilligii qaxootiga ay dib ugu laaban lahaayeen dalkooda hooyo ee Somaliya..
Posted by:galmada Net
Published :2016-05-23T04:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Madaxweynaha Kenya: Waxaa la jooggaa xilligii qaxootiga ay dib ugu laaban lahaayeen dalkooda hooyo ee Somaliya..



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:30 AM and have 0 comments