Hannaanka doorashada Soomaaliya oo la ansixiyay

Hannaanka doorashada Soomaaliya oo la ansixiyay


ADVERTISEMENTS
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ansixiyay heshiiskii hannaanka doorashooyinka dalka ee uu muranka badan ka taagnaa.
Hannaankani ayaa horyaalay baarlamaanka, waxaana shalay la hakiyay kulan uu cod ugu qaadi lahaa.
Madaxweynaha oo shir jaraa’id saaka ku qabtay madaxtooyada ayaa waxaa uu sheegay in isaga oo eegaya danaha dalka uu soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku ansixiyo hannaankaasi, maadaama buu yiri baarlamaanka uusan heshiis mideysan ka gaari karin arrintaasi.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in heshiiskii u dambeeyay ee ay wada gaareen hoggaamiyeyaasha madasha qaran ee dhaqan gelinta dooarshooyinka dadban ee dalka ka dhacaya uu sidaasi ku ansixiyay.
Waxa uu intaasi ku daray in doorashada la filaya in ay dalka ka dhacdo ay ku dhici doonta xilligii loogu tala galay.
Waxa uu sheegay in xeerka madaxweyne ee uu maanta soo saaray uu isla maantaba dhaqan gali doono, isagoo intaa raaciyay in xeerkaasi loo gudnbiyay baarlamaanka.
Waxa uu sheegay in asyan raali ka noqonayn in dalka khalalaasa la geliyo, ayna ogolaan doonin in khilaaf la geliyo doorashada.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida in la ilaaliyo midnimo ummadda, waxa uuna sheegay in asyan doonayn in ay niyad jebiyaan beesha caalamka oo taageero la garab taagnayd dowladda Soomaaliya sidii ay doorashooyin dalka uga dhici lahaayeen.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Hannaanka doorashada Soomaaliya oo la ansixiyay
Posted by:galmada Net
Published :2016-05-22T22:24:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Hannaanka doorashada Soomaaliya oo la ansixiyay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:24 PM and have 0 comments