Donald Trump oo sheegay inuu ka xumaaday weerarkii afka ahaa ee kaga yimid Sadiq Khan..

Donald Trump oo sheegay inuu ka xumaaday weerarkii afka ahaa ee kaga yimid Sadiq Khan..


ADVERTISEMENTS
Ninka lagu wado in Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka uu kaga qaybgalo tartanka doorashada madaxtinimada dalkaasi Donald Trump, ayaa sheegay inuu ka xumaaday weerar afka ah oo kaga yimid Duqa Magaalada London, Sadiq Khan.

Sadiq Khan, ayaa mid jaahil ah ku tilmaamay Donald Trump, ka dib markii uu ninkaasi uu bishii December soo bandhigay qorshihiisii ku aadanaa in Muslimiinta laga mamnuuco dalka Mareykanka.

Donald Trump, ayaa yiri “Markii uu guuleystay waan u hambalyeeyay hadase ma kala jecli, waxaan ka wadaa wax farqi ah iima samaynayso, aanu aragno waxa uu qabto, waxa aan ula jeedaa aan aragno wixii uu qabto. Waanu arki doonnaa haddii uu yahay Duq Magaalo oo wanaagsan.”

Wuxuu kaloo yiri “Waan ka xumaaday sababtoo ah ima garanaayo ninkan, weligii ilama kulmin, isago ma garanaayo waxa aan u taaganahay, aad ayay u foolxumaayeen hadaladii uu jeediyay.”


Isagoo la hadlaayay Barnaamijka Subax Wanaagsan ee ka baxa ITV, ayuu yiri “Runta markaan kuu sheego u sheeg Sadiq Khan waan xusuusnaan doonnaa, hadaladaas qaabka daran.”

Mr. Khan, ayaa Arbacadii sheegay inaanu booqasho ku taggi doonin dalka Mareykanka, haddii Trump loo doorto Madaxweynaha Mareykanka.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Donald Trump oo sheegay inuu ka xumaaday weerarkii afka ahaa ee kaga yimid Sadiq Khan..
Posted by:galmada Net
Published :2016-05-17T00:49:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Donald Trump oo sheegay inuu ka xumaaday weerarkii afka ahaa ee kaga yimid Sadiq Khan..



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:49 AM and have 0 comments