Ciyaaryahanka Patrick Ekeng oo geeriyooday, isaga oo Kubad Ciyaaraayay (SAWIRRO)..

Ciyaaryahanka Patrick Ekeng oo geeriyooday, isaga oo Kubad Ciyaaraayay (SAWIRRO)..


ADVERTISEMENTS
Xiddiga reer Cameron Patrick Ekeng ayaa u dhintay xanuun wadnaha looga shakiyay,intii ay socotay ciyaartii garoonka ee Dinamo ee u dhaxeysay Bucharest iyo Viitorul Constanta xalay.
Ciyaaryahanka khadka dhexe oo 26 jir ahaa, ayaa kaliya ciyaaray todobo daqiiqo isagoo bedel ku yimid kadib markii uu garoonka ka dhax dhacay.
Waxaa loo qaaday isbitaalka, iyadoo dhakhtarka Romania ee kooxda Paltinean uu yiri: “isku day la sameeyey saacad iyo bar ayaa lagu guuldareystay.
Taageerayaasha Dinamo ayaa isugu soo baxay banaanka isbitaalka goor dambe oo fiidkii aheyd si ay ugu muujiyaan tacsi xiddigooda geeriyooday.
Dinamo ayaa ku guuleystay kulankaan Horyaalka Romania ka tirsanaa 3-2, Ekeng ayaa kulankiisii toddobaad u ciyaaraya kooxda tan iyo markii uu bishii January kusoo biiray,
Kooxdiisii hore ee Cordoba ayuu kusoo qortay Twitter: “Waxaan murugo la qeybsaneynaa qoyska Patrick Ekeng.”
Ekeng ayaa ah bedel laba kulan loo isticmaalay ciyaarihii  koobka qaramada qaarada Africa ee 2015 .








ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Ciyaaryahanka Patrick Ekeng oo geeriyooday, isaga oo Kubad Ciyaaraayay (SAWIRRO)..
Posted by:galmada Net
Published :2016-05-07T19:15:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Ciyaaryahanka Patrick Ekeng oo geeriyooday, isaga oo Kubad Ciyaaraayay (SAWIRRO)..



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 7:15 PM and have 0 comments