Cabitaano halis ku ah Raga ( waxyeelaynaya raganimada)

Cabitaano halis ku ah Raga ( waxyeelaynaya raganimada)


ADVERTISEMENTS
Cilmi Baaris iyo Baaritaano qaatay mudo dheer ayaa lagu ogaaday in qaar ka mida Cabitaanada dhibaato ku reeba Raganimada, dhanka jinsiga ah ee raga.
Cabitaanada kulul (Power drink) Dad fara badan ayaa Aaminsan in Cabitaanada kulul ay jirka siiyaan awood ka kaalmaynaysa in uu Qabto shaqooyin iyo in laga helo Firficoonaan dhanka jirka ah , hase ahaatee waa in laga warqabaa saamaynta halis ah ee ka dhalanaysa.



Cilmi Baarista ayaa cadaysay in ay shaqo saa`id ah galinayaan cabitaanada kulul dhaqdhaqaaqa Wadnaha , iyo cadaadiska dhiiga , waxaana looga digayaa si gaar ah dadka qaba cudurada wadanaha in isticmaalaan cabitanada kulul, iyada oo laga baqanayo in uu wadno istaag ku soo bodo.
Sidoo kale Cofeega ayaa isna saamayn ku yeesha Dareenwadayaasha jirka, Nafsad ahaan ruuxa waxaa uu ku riixaa mid aan caadifadiisa nafasadeed aan fadhin, waxaa intaasi sii dher in uu kordhinayo u nuglaanshiyaha falalka cadawtinimo.

Khubarada samaysay Baaritaankaan ayaa isku khilaafsan Saamaynta Cabitaanadaan ee Raganimada , hase ahaatee Baaritaan lagu sameeyay Isbitaalka Jaamacada Koban heegan ayaa lagu sheegay in raga sida joogtada ah u isticmaala Cabitanada kulul ee Gaaska leh in ay ka hooseeyaan %30 Tirada Manida .
Cabitaanada kale ee laga Digay ayaa waxaa ka mida, Nuucyada leh aashitada, sida ay lagu cadeeyay Cilmi Baarista Kuliyada kaastoorba, taasi oo tijaabooyin ku samaysay nuucyo ka mida Jiirka, una soo baxaday in uu  hos u dhacay tirade manida ee jirarka sida joogtada ah loo siiyay.
Khubarada ayaa ku talinaya in cabitaan ahaan loo cabaa biyaha Caadiga ah kuwaasi oo aan saamayn ku yelanaynin Caafimaadka.

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Cabitaano halis ku ah Raga ( waxyeelaynaya raganimada)
Posted by:galmada Net
Published :2016-05-30T19:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Cabitaano halis ku ah Raga ( waxyeelaynaya raganimada)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 7:30 PM and have 0 comments