Big News: Ajay Devgn, Salman Khan, Sanjay Dutt Iyo Suniel Shetty Oo Filimka Son Of Sardaar 2 Kasoo Wada Muuqan Doonaan

Big News: Ajay Devgn, Salman Khan, Sanjay Dutt Iyo Suniel Shetty Oo Filimka Son Of Sardaar 2 Kasoo Wada Muuqan Doonaan


ADVERTISEMENTS
Super Star Ajay Devgn mashruciisa riyada ah Son Of Sardar 2 oo uu horey kaga dhawaajiyay inuu u dhigmo doono filimka Hollywood-ka The Expendables ayaa haatan run noqon rabo.
Waayo Devgan oo filimka Son Of Sardaar 2 qarash gareeye ka ah ayaa ka dhawaajiyay filimkan inuu u helay shaqsiyaadkii ku haboonaa mashruucan sidoo kalena noqon doonaa mashruucii ugu weynaa oo ay ebid Bollywood-ka sameeyaan.
Ajay Devgn ayaa sheegay in filimkiisa Son Of Sardaar 2 ee la daawan doono Diwali 2017 wax ka jili doonaan xidigaha kala ah Salman Khan, Sanjay Dutt iyo Suniel Shetty.
Son of Sardaar 2 ayaa ku saabsan dagaalkii ka dhacay magaalada Saragarhi ee Punjab sanadii 1897 wuxuuna ahaa dagaal dhex maray 21-nin oo reer Punjab ahaa iyo duulaankii Ingiriiska ay rabeen inay Waqooyiga Hindiya ku qabsadaan.
Ajay Devgn ayaa ka dhawaajiyay in Salman Khan uu dhawaan kulan la qaatay sidoo kalena Sallu ka helay sheekada filimkaan markii uu la wadaagay wuxuuna Salman xitaa doonayaa inuu filimkaan wax ka maal galiyo.
Sidoo kale Ajay saaxiibkiisa kale Sanjay Dutt oo kala soo muuqday qaybtii kowaad ee filimkaan Son of Sardaar sanadii 2012 ayaa isagana aqbalay inuu filimkan door muhiim ah ku yeesho.
Ajay ayaa sidoo kale kulan la qaatay saaxiibkiisa Suniel Shetty oo isagana aqbalay in Son of Sardaar 2 inuu door wacan ka qaato.
Ajay Devgn ayaa ka dhawaajiyay in Son of Sardaar ay hogaamiye ka noqon doonaan 5-atoore oo Bollywood-ka caan ka ah mid walbo uu siin doono door dhameestiran sidoo kalena dhamaan xidigahan waqti ahaan uu filimkan qaaliga ah u qeybin doono.
Hadaba Ajay Devgn wuxuu sheegay mashruucan aadka u weyn inuu dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqi doono 5-atoore ee hogaamiye ka noqon doonaan dagaalkaan taariikhi ah asigoo ilaa haatan heesto Salman, Sanju iyo Suniel oo ka aqbaleen inay Son of Sardaar 2 kasoo muuqdaan.
Aqriste atooraha 5-aad yaa kaga dhigi laheyd si mashruucan Action-ka iyo wadaniyada ku dhisan uu u noqdo mid aad u sareeyo hadal heyn ahaan iyo ganacsi ahaan.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Big News: Ajay Devgn, Salman Khan, Sanjay Dutt Iyo Suniel Shetty Oo Filimka Son Of Sardaar 2 Kasoo Wada Muuqan Doonaan
Posted by:galmada Net
Published :2016-05-23T02:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Big News: Ajay Devgn, Salman Khan, Sanjay Dutt Iyo Suniel Shetty Oo Filimka Son Of Sardaar 2 Kasoo Wada Muuqan Doonaan



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:30 AM and have 0 comments