Axmed Cabdalla: “Haddii aan ku ciyaaro garoonka Muqdisho waan tiirin lahaa kabaha kubbadda cagta.”..

Axmed Cabdalla: “Haddii aan ku ciyaaro garoonka Muqdisho waan tiirin lahaa kabaha kubbadda cagta.”..


ADVERTISEMENTS
Goolhayaha kooxda Jeenyo iyo xulka qaranka Axmed Cabdalla Macallin, ayaa sheegay inay farxad u ahaan laheyd maalin maalmaha ka mid ah inuu ku ciyaaro garoonka Muqdisho, oo ahaa garoonka ugu weyn Soomaaliya, waxanna loogu yeeraa tuullada cayaaraha.
Xiddigaha kubbadda cagta ee waqtigan ayaan fursad u helin inay ku ciyaaraan garoonka dadan, taa baddelkeeda waxa ay ku dheelleen garoomada Banaadir iyo Jaamacadaha, halka mid walba uu hamminayo inuu arko isagoo ku ciyaarayo garoonka Muqdisho.
Garoonka ayaa soo maray marxaladdo u badan in ciidamo kala duwan ay ka dhigtaan saldhig, waxanna hadda uu farriisin u yahay ciidamadda AMISOM, madax dowladda ayaana ku baaqay in garoonka laga saaro ciidamadda.
“Waxaan goosan lahaa go’aan ah inaan ka fariisto ciyaarta kubbadda cagta, haddii mar un aan ku ciyaari lahaa garoonka Muqdisho, waa meesha ugu weyn ee kubbadda cagta Soomaaliya lagu ciyaaro, laakiin weli nasiib uma yeellan, ma fududa anigoo aan halkaas xirfadeyda kusoo bandhigin inaan faarujiyo garoomada kubbadda cagta.” Axmed, ayaa warkan ku shaaciyay boggiisa Facebook.
Sidoo kale waxa uu intaa ku daray: “Waxaan ahay nin matalay qaranka Soomaaliya, waxaanna dareemaa farxad la’aan marka aan tago dalka dibaddiisa sababtoo ah waxaan ku ciyaara garoonka la mid ah ama ka liito kan Stadium Muqdisho, mana awooddo inaan ku ciyaaro midka dalkeyga.”
Toddobaadkii hore waxaa garoonka Muqdisho booqday wasiirrada Cayaaraha iyo amniga, waxanna socdaalka ku wehlinayay madaxda cayaaraha, laakiin kormeerka marka laga yimaado ilaa hadda lama hayo xilli ay macquul tahay in garoonkaas la banneeyo.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Axmed Cabdalla: “Haddii aan ku ciyaaro garoonka Muqdisho waan tiirin lahaa kabaha kubbadda cagta.”..
Posted by:galmada Net
Published :2016-05-24T19:55:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Axmed Cabdalla: “Haddii aan ku ciyaaro garoonka Muqdisho waan tiirin lahaa kabaha kubbadda cagta.”..



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 7:55 PM and have 0 comments