XOG HOOSE: Qiimaha kursiga xildhibaanimada Baarlamaanka maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo sare u kacay

XOG HOOSE: Qiimaha kursiga xildhibaanimada Baarlamaanka maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo sare u kacay


ADVERTISEMENTS
Magaalada Jowhar oo uu ka socdo shirka maamulka loogu sameynayo gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaqyo cusub oo ku saabsan soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo ergooyinka beelaha ay iminka guda galeen howlo ay macaash uga raadinayaan Mudanaha doonaya inuu noqdo Xildhibaan ka noqdo.
Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiiro ka tirsan xukuumadda dhexe ayaa bilaabay inay kordhiyaan qiimaha qofka doonaya inuu ku biiro Baarlamaanka maamul goboleedka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
Qiimaha qofka doonaya inuu noqdo Xildhibaan ayaa mareysa $10,000 (Toban Kun Dollar), iyadoo ergada beel kasta gudbineyso shaqsigii bixiya kharajkaas, waxaana bilowday tartan xoogan oo ka socda magaalada Jowhar.
Wararka ayaa sheegaya in wufuuda Dowladda Federaalka ka joogta magaalada Jowhar oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa ay kulamo kala gooni gooni ah la leeyihiin ergooyinka beelaha, kuwaasi oo iyagu doonaya inay beelaha ansixiyaan shaqsiyaad ay dowladdu wadato oo kharajkoodana Cash yahay.
Dhinaca kale iyadoo dhowaan magaalada Jowhar uu ka furmay wejiga labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa ergada waxay weli ku mashquulsan yihiin ajandayaasha looga hadlayo iyo qaabka loo guda geli lahaa howlaha hor yaala.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: XOG HOOSE: Qiimaha kursiga xildhibaanimada Baarlamaanka maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo sare u kacay
Posted by:galmada Net
Published :2016-04-18T01:46:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
XOG HOOSE: Qiimaha kursiga xildhibaanimada Baarlamaanka maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo sare u kacay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:46 AM and have 0 comments